Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3206

February 6 2013                                                              Rabicil Awal 25,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xisbiga UCID Oo Xus U Sameeyey Maalinta Hub Ka Dhigista Somaliland Iyo Hadaladii Mujaahidiintu Madashaa Ka Jeediyeen

“Caalamku Waxa Uu U Yaqaanaa Hub Ka Dhigistii S/land “Mucjisada Somaliland”, Sababtu Waxa Weeyi Dunida Way Ku Yarayd Khibrada Loo Leeyahay Abaabul Ka Saarka” Cali Guray, Gudd/3aad ee UCID

Hargeysa, February 6, 2013 (Haatuf) – Xisbiga UCID ayaa soo qaban-qaabiyey xus ballaadhan oo loogu talagalay in lagu maamuuso maalinta hubka dhigista Somaliland.

Kulankaas oo lagu qabtay Xaraf Hotel ayaa waxa ka soo qaybgalay Mujaahidiin door ah oo ay ka mid ahaayeen Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Maxamed Xaashi Cilmi, Boobe Yuusuf Ducaale, Cali Guray, Cabdi Haybe, Haween iyo dhalinyaro tiro badan. Sooyaalkii taariikheed ee uu soo martay Abaabul ka saarka Jabhadii dalka Xoraysay, sidii loo qarameeyey ee looga dhigay Ciidamada Qaranka, isla markaana ay beeluhu u soo xareeyeen hubkii gacantooda ku jiray ayaa waxa faahfaahin ka bixiyey Gudoomiye ku-xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Ugu horayna Cali Guray oo xuskaasi Maalinta Hub ka dhigista ka hadlaya waxa uu yidhi “Ma loo baahan yahay in la xasuusnaado taariikhdii geedi socodka qaran dhiska Somaliland oo Hub ka dhigistii qayb muhiim ah kaga jirtay iyo sideebaa loo gali karayaa arinkaa. Laakiin waxa aan ka hadlayaa waxa weeyi Waxa aynu nidhi caalamku waxa uu u yaqaanaa Mucjisada Somaliland, sababtu waa maxay ayaa meesha taala, waxa weeyi dunida way ku yarayd khibrada loo leeyahay Abaabul ka saarka, Afrikana wax ka jiray oo markaa sagaashameeyada horaantoodii mooyaane may jirin wax ka dambeeyey sagaashameeyadii way yaraayeen, waxa loo aqoonsanaa barnaamijka ugu guusha badan Afrika barnaamij la odhan jiray (the Zimbabwe project) oo ay lahaayeen Zimbabwe, mashruucaawi waxa uu culayska saarayey qaybta u jehaynta la yidhaa, markii aynu inagu Boorama ka soo noqonay waxa UN-ku ay raadiyeen in la helo dadkii loo filayey inay ugu khabiirsan yihiin dhinacaa Hub dhigista, waxa laga doonay wadankii loo ogolaa in iyagu ay yihiin wadanka guulahaa soo gaadhay. Zimbabwe laba nin ayaa noqday labadii nin ee Afrika ugu khabiirsanaa dhinaca abaabul ka saarka. Sideed Bilood ayaanu anagu isku jafaynay halkan, waayo markii ay arkeen xaalada Somaliland iyo caalamkan ay ka hadlayaan in aanu laba wax oo aan is lahayn uu yahay, waxaanu ku qancinay in waxan ay sitaan aanu ahayn wax shaqaynaya barbarkayagana markaa waxa joogay qolo la yidhaa UNISOM oo iyaguna hub dhigistii Somalia u xil saarnaa. Daraasadaha la sameeyey daraasada ugu caansan waxay ahayd daraasad ay sameeyeen qolada la yidhaa World Bank-ku 20 dal oo dunida ka mid ah ayaa laga soo qaaday waayo aragnimadoodii, dabadeedna waxa ay noqotay wax la yidhaa Baybal-kii Abaabul ka saarka, waxa noqday daraasadaa qoladaasi samaysay, laakiin nasiib daro waxa ay iyagu ka hadlayaan waa dalal jira oo dawlado leh oo la Ictiraafsan yahay oo dhisan, inagu halkan aynu joognaana waana waa dal burburay oo aan anigu waraaqdaasi ka qoray, waxaanu noqday heerkii ay qaramada midoobayna ay u qaateen Abaabul ka saarka kaas ayaa Xirsi Jabiskoodii noqday”.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ahaa Saraakiishii sarsare ee Ciidamadii Xaq u dirirka SNM ee dalka ka xoreeyey Taliskii Maxamed Siyaad Bare waxaanu yidhi “Maalintani waa maalin qiimo u leh qaranimada Somaliland, hadii aanay hub ka dhigis jirin, waa laga horeeyaa laftigeeda, hadii aanay dib u heshiisiin jirin hub ka dhigis ma dhacdeen marka dadku heshiiyo ayaa hubkana lagu tashadaa in la dhigo.

Dalkan waxay SNM soo gashay sida dadka qaarkii yidhaahdo maahee iyadoo ay ka go’an tahay inay dadka ay u socoto ay nabad dhexdooda ka dhaliso, waayo waad ogtihiin markii la soo galay dalkan xabad joojintii Berbera lagu qabtay ayaa ugu horaysay shir la qabto, hadana waxa lagu balamay shirkii Burco ee ku dhawaaqistii qaranimada Somaliland waxay ahayd in beelaha markii hore aan SNM ahayn iyo SNM inay heshiiyaan oo dhexdooda heshiis laga dhaliyo, markaasay hub ka dhigis imanaysaa, markaasaa Ciidan Qaran oo la Aasaasaa imanaysaa, markaasaa horumar dhaqaale iyo mid bulshaba la hiigsana karaa. Labadii sano ee ugu horeeyey ee SNM dalka Maamulaysay runtii umay suuragalin in hub ka dhigistii la bilaabo ama Abaabul ka saarkii sababtu siday doonto ha noqotee, labadii sano wixii nagu dhacay waad ogaydeen, iska horimaad badan iyo qalalaase siyaasadeed ayaynu ka bixi waynay. Marka laga soo bilaao shirkii Sheekh ee Tawfiiq ee dib u heshiisiinta lagu qabtay Sheekh ee Boorama lagu balamay 1993-kii shirweynahaa Boorama lagu qabtay waxa uu ahaa dhamaystirkii dib u heshiisiintii iyo shirarkii badnaa ee lagu qabtay wadanka meelihiisa kale oo la dhamaystirayey buu ahaa”. Waxa iyaguna madashaasi hadalo ka soo jeediyey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Boobe Yuusuf Ducaale iyo Wasiirkii hore ee caafimaadka xukuumadii Rayaale Cabdi Haybe, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay sidii Beeluhu ay u soo xareeyeen hubkii iyo inamadii wadooyinka la taagnaa Qoryaha.