Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3216 |
February 18 2013 Rabicil Thani 8,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Madaxdhaqameedyada Awdal Iyo Selel Oo Wasiirka Daakhiliga Ku Eedeeyay Inuu Iska Horkeen Iyo Qalalaase Ka Wado Deegaanada Saylac, Jawaabna Ka Bixiyay Hadaladii Ka Soo Yeedhay “Waxaanu U Aragnaa In Wasiirka Arrimaha Guduhu Qaranimadii S/Land Meel Ka Dhac Ku Sameeyay, Qadiyada Saylacna Maaha Mid Diri-Dhaba Khusaysa” Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar Hargeysa, 18, 2013 (Haatuf) – Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah madaxdhaqameedyada reer Somaliland ee gobollada Awdal iyo Selel ayaa wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ku eedeeyay inuu xaalado iska horkeen iyo amaan daro ah ka abuurayo deegaanada Saylac ee gobolka Selel, kuna tilmaamay in xaaladii ismaan-dhaaf ee ka dhashay doorashadii hoganka golaha deegaanka Saylac uu ula talaabay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, taasoo uu ku tilmaamay mid xad-gudub iyo meel ka dhac ku ah madaxbanaanida qaranimada iyo xukuumada Somaliland. Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo shalay galab wargeyska Hatuuf khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay isagoo jooga magaalada Boorama, ayaa ugu horayn isagoo ka hadlaya bayaan jawaab ah oo ay madaxdhaqameedyadooda gobolkaasi ka soo saareen hadaladii uu doraad ka jeediyay waasiir Duur fadhiga golaha guurtida, ayaa isagoo ka hadlaya Suldaanku waxa uu yidhi “Salaadiin iyo madaxdhaqameeyo ka soo jeeda gobollada Awdal iyo Selel oo tiradoodu gaadhayso 30 xubnood aya shirjaraa’id oo aanu wadajir ugu qabanay maanta (shalay) Boorama ayaa waxaanu kaga hadalnay hadalkii uu shalay ka jeediyay waasiirka arrimaha guduhu Mr Duur golaha guurtida ee uu ku sheegay in arrintii Saylac ka taagnayd la dhameeyay, wafti ka socda golaha guurtida iyo madaxdhaqameedyo loo diri doono oo gondaha beesha Ciise oo ka iman doona Diri-dhaba ay kulan ku yeelan doonaan Saylac. Hadaladaasi ka soo yeedhay waasiirka madaxdhaqameedyada iyo shacbiga ku dhaqan gobollada Awdal iyo Selel wuu ka yaabiyay, waxaananu u aragnaa xaalad abuur iyo arrimo laf jab ku ah qaranimada Somaliland iyo dawladnimadeeda in wasiirku yidhaahdo arrinka Saylac waxaa laga sugayaa Diri-dhaba, isagoo horena arrimahaa Jabuuti ugu tagay wafti hogaaminaya, waxaanu u aragna hadaladaasi wasiirka arrimaha gudaha ka soo yeedhay iska horkeen iyo arrimo dhaafsan qaranimada Somaliland. Doorashadii hogaanka golaha deegaanka Saylacna waxay ahayd arrin sifihii sharciga la waafajiyay oo distooriya, sidaa darteed waxaanu ugu baaqaynaa wasiirka arrimaha guduhu inuu ka noqdo hadalada meel ka dhac ku ah qaranimada Somaliland. |