|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3249 |
March 28 2013 Jamadi AL-Awal 16,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Gudd. Faraweyne Oo Ka Warbixiyay Khasaaraha Ka Dhashay Roobab Mahiigaan Ah Iyo Daadad Xoog Leh Oo Ku Soo Fatahay Deegaankaasi Hargeysa, March 28, 2013 (Haatuf) – Gudoomiyaha degmada Faraweyne ee gobolka Maroodijeex Faysal Maxamed Jaamac ayaa sheegay in daadad xad dhaaf ah oo ka dhashay roobabkii ka da’ay deegaanada galbeedka ay ku soo fataheen shalay degmadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in jidadkii isku xidhayay magaalada Hargeysa iyo Faraweyne ay saamayn ku yeesheen roobabka gu’ga ee curtay, waxaanu intaa ku daray in roobabkii ka da’ay deegaanadaasi ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ay soo gaadhsiiyeen tuulada Garabis ee koonfurta Hargeysa. Gudoomiyaha degmada Faraweyne Faysal Maxamed Jaamac oo shalay Wargeyska Haatuf ugu waramay khadka Telephone-ka isagoo jooga Faraweyne, waxaanu yidhi “Roobkii waynaa ee xalay ka da’ay deegaanada galbeedka Faraweyne oo ku sinaa Alaybaday iyo Wajaale, oo da’ayay 1:00 habeenimo ilaa waaberigii ayaa daadadkii ka soo rogmaday roobabkaasi oo si xad dhaaf ah u socdaa ay soo gaadheen gudaha xarunta degmada Faraweyne, kuwaas oo baabuurtii ka baxayay magaalada iyo kuwii soo galayayba xanibay”. Gudoomiyaha oo aanu wax ka waydiinay in wax khasaare ah roobabkaasi ay ka soo gaadheen deegaanada hoos yimaada degmada Faraweyne ayaa waxa uu yidhi “Tuulada Garabis oo roobabkii ka da’ay ay dabaylo wateen waxaa ku dhintay hal qof oo dumara oo magaceeda la odhan jiray Faadumo Yoonis, lix qof oo kalena way ku dhaawacmeen, lix aqal oo dhagax ahna waxa uu ka qaaday jiingadihii iyo qoryihii saqafka sare ee dusha, laakiin deegaanada kale ee Faraweyne ee roobabku ka da’een wax khasaare ah oo soo gaadhay ma jiraan, balse roobabka da’ayaa waxay saamayn ku yeesheen jidadkii isku xidhayay degmada ilaa caasimada oo daadadku wada gooyeen, kuwaas oo gaadiidkana socodkoodii saamayn ku yeeshay”. |