Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3272

April 24 2013                                                             Jamadi AL-Thani  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Badhasaabka Awdal Oo Walaac Horleh Ka Muujiyey Heerka Tarbiibka Dhalinyarada Dalku Gaadhay Wakhtigan, Kuna Baaqay Olole Qaran Oo Lagu Cidhib-tirayo

Boorame, April 24, 2013 (Haatuf) – Badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa ka dayriyey heerka Tahriibta dhalinyarada Somaliland uu wakhtigan marayo, kaas oo tilmaamay inuu gaadhay halkii ugu xumayd, isla markaana xusay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loo joojin lahaa Tahriibta da’yarta dalka. Cabdoo Axmed Aayar waxa uu sidaas k sheegay kulan uu shalay isugu yeedhay Isu-duwayaasha Laamaha dawladda iyo Saraakiisha Amniga ee heer gobol, kaas oo lagu lafo-guray Khatarta Tahriibta iyo sidii loo xakamayn lahaa Tahriibka dhalinyarada Somaliland oo wakhtigan dalka Ethiopia uga sii gudba gobolka Awdal. Badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed waxa uu kulankaas ku qiray in wakhtigan Tahriibtu ay si ba’an u saamaysay gobolka Awdal iyo Somaliland-ba, isla markaana uu gobolkaasi wado halaq mareen ah u noqday dad badan oo tahriibayaal ah, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhalintii wiilal iyo hablaba way tahriibaysaa, waxaana intan dheer iyada oo gobolkeenu noqday meel ay dad badan oo tahriibayaal ahi soo maraan oo ay ka tahriibaan, waa dhibaato aad u ba’an, waxana lagama maar-maan ah in dhibaatadaas sidii wax looga qaban lahaa loo hawl galo”. Guddoomiye Cabdi Axmed Aayar waxa kale oo uu qiray in Xiligan Tahriibta dalka ka socotaa ay tahay mid abaabulan loona baahan yahay in gacanta lagu soo dhigo “Tahriibta dhalinyarada ee wakhti-xaadirkani way abaabulan tahay, waxa jirta silsilad is daba taxan oo badashay caruurtii tahriibaysay ee lacagta la fakanaysay, waxa soo baxay niman isku xidhan oo caruurta oo aan waxba haysan kaxaynaya kadibna taleefan isticmaalaya oo oranaya la hadla waalidkiin, kabacdina ilmahii yaraa ee la daydayaayay la ogaanayo in la haysto oo madaxfurasho laga rabo, silsilada caynkaas ah ayaa loo baahan yahay in gacanta lagu soo dhigo cida wada ee ka dambaysa, waxa aan ciidamada amniga u sheegayaa inay furfuran silsiladaas oo ay helaan cida ka dambaysa. Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Aayar waxa kale oo uu aafo qaran ku tilmaamay tahriibta waxana uu ka codsaday madaxda laamaha dawlada inay arintan gurmad ka galaan waxana uu yidhi “Waa aafo qaran, waxa tahriibayaa waa labeentii qaranka iyo jiilkii mustaqbalka, waxa loo baahan yahay inaad ka hawl gashaan oo aad arintan gurmad dhinac walba ah ka gasataan, waa in aanu goboleenu noqon meesha laga tahriibo, waa in aanu gobolkeenu noqon meesha wax laga tahriibiyo ama loo sii maro tahriibta, waa inaan bulshada ka wacyi galinaa oo ka baajinaa dhibaatadaas tahriibta.