Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29281

March 21, 2012                                                         Rabical Thani  28,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Siduu Uga Lib-Keeni Doonaa Wasaaradda Qodaxdu Taallo?

Cumar Maxamed Faarax

“Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede

Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye

Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne

Inkastuu wax galo ama wax gudo, ama wax weyn gooyo Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban

Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye”

Gud-gude Abwaan M. Ibraahim Warsame.

Inkasta oo qalbiyadooda ay engajiyeen balan-qaadyaddii aan fulin ee madaxdii u kala dambeeyay wasaaradaasi tobankii sanadood ee la soo dhaafay. Haddana waxay u sacbinayeen si aan hagar la’aan ah. Waxayse si taxadar leh u dhadhaminayeen una shiilayeen khudbada wasiirkood cusub oo taabtay qodobo badan oo shucuurtooda xan-xanteynayay.

Shaqaaluhu way soo buuxiyeen xafladdii xil wareejinta. Waxa kaliya oo ay danaynayeen waxa uu ula curan doono isbedelka maamul ee wasaaradda ka dhacay iyo saamaynt togan ee ay ka filan karaan. Waxay qabeen inuu yahay xirfad ahaan qofkii ku haboonaa oo loo magacaabay xilkii ku haboonaa.

Sidaasi si la mid ah Agaasimeyaasha waaxuhu way soo jarmaadeen. waxaanay saacado badan ka hor soog-soognaayeen barxadda gudaha dhismaha wasaaradda iyo hoolkii loo diyaariyay madashii uu xilka ku tirsanayay Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe.

War-warse kuma yarayn hawl-wadeenadda oo waxay bayr ka qabaan in Kooxda maamulka ka agdhowi ay jidka ka leexiyaan Wasiirka cusub isla markaana ay kala daadiyaan himiladiisa iyo qorsheyaashiisa wax qabad. Waxay ka shakisan yihiin in kooxaha mansab ku dirirka ahi ay si fudud sidii dhaqanka u ahayd ay hantiyaan dhegaha iyo indhaha Wasiirka cusub.

Wuxuuse u muuqday mid aad u fahamsan qabyadda uu la wareegay iyo baaxadda shaqadda miiska u saaran. Waxaanu madashaas agaasinayd ka jeediyay khudbad isbarixid iyo balan qaad u badnayd oo haddii ficil loo rogo uu kaga midho dhalin karo xafiiskan qodaxdu hoos-taallo.

Balan-qaadyada wasiirka cusubi waxay la mid ahaayeen kuwii Wasiirradii ka horeeyey oo kale, waxase ku cusbaa wuxuu ahaa inuu balan qaaday inaanu sarro ka jeexan doonin, inaanu baabuur ka iibsan doonin iyo inaanu dheefta wasaaradda si shakhsiya uga macaashi doonin.

“Halkan umaan iman in aan ka shaqaysto, halkan uma aan iman in aan ku hodmo oo aan ku tanaado. Halkan uma aan iman in aan aqal ka dhisto. Uma aan iman in aan gaadhi ka iibsado,”ayuu yidhi Wasiirka cusub Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe). Shaqaaluhuna inta ay is wada eegeen ayay qaarkood ku dareen celiyeen kalmado ay ku xanshaashaqayeen oo ay ka mid ahaayeen “ILAAHAY ha u rumeeyee, waan eegi doonaa sida hadalkiisa u dabaqo marka uu digo-jabsado ee uu xafiiska salka dhigo.”

Aanse idhaahdo waa balan-qaad ku cusub dhegaha wasaaradda oo shaqaalahana maskaxdooda ugu qormay si aan tirmayn.

Wasiirku ha inooga sheekeeyo sida uu wasaaradan xasaasiga ah ku yimid, wuxuu ku baanay inuu haystay shaqo uu mushahar fiican ka qaadan jiray, hase yeeshee uu gurmad ugu yimid wasaaraddan.

“Han garoocan idiin lama aan iman. Gurmad ayaan idiinku imi. Ma aan shaqo la’ayn ee waan shaqaynayey. Mushahar aan halkan ka helayo, mid ka badan oo ka buuran meel aan ka helayo ayaan haystay oo aan ka soo tegay, is-tiqlaaladna ka bixiyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Muxumed (Siilaany), ayaa xilkan ii gartay oo iigu yeedhay, anna waan ka guddoomay, waxaan uga oggolaaday aniga oo aamminsan in qaranku cid waliba xaq ugu leedahay in uu waajib ugu yeedho,”ayuu ku tiraabay Wasiirku.

Waxa kale oo ay eegayan shaqaaluhu sida uu wasiirku uga jibo-keeno balan-qaadka uu Wasiirku sheegay inuu ku hagi doono wasaaradda qaab tallo wadaag ah.

Qaar ka mid ah shaqaalihii mawduucan ka dareen celiyay ayaa ku doodayay in Wasiirka cusubi uu dhaxli doono duruufo culus oo ay ka mid tahay inuu rakibo idaacaddii weynayd ee la sheegay in kalhore la dalbay oo ay aaminsan yihiin inay jiitantay. Waxaana horyaala inuu soo rakibo isla markaana u diyaariyo inay daboosho baahida weyn ee dadweynuhu u qabaan idaacad weyn oo dalka wada gaadha oo sii daysa barnaamijyo waxtar leh.

Si kastaba, arrintu ha ahaatee waxaan eegi doonaa mustaqbalka dhow isbedelka uu wasaaradda ka sameeyo Wasiirka cusub oo ah Suxufi gaamuray oo la aaminsan yahay inuu ka lib-keeni kara masuuliyadda wasaaraddan. Waxa lagu jirabi doonaa sida uu u ilaaliyo madax-banaanida saxaafadda qaranka ee xukuumaddiisu hore u iclaamisay inay u madax-banaan yihiin xil-gudashadooda. Waxa kale oo imtixaan u noqon doona qaabka uu ula macaamilo saxaafadda madaxa-banaan ee dalka. Alle’se kama dhigee Haddii uu ku fashilmo wuxuu wasaaradda kala tagi doonaa waji-gabax iyo in ugu filan magac-xumo.

 

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com