Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3278 |
May 1 2013 Jamadi AL-Thani 20,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Madaxwaynaha Somalia Oo Ku Sii Jeeda Kismaayo Xili Uu Ku Soo Fashilmay Booqashadiisii Maamulka Puntland Muqdisho, May 1, 2013 (Haatuf) - Wararka ka imanaya caasimada Somalia ee Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho shaqo ku tagi doono ku maalmaha soo socda magalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, xili Madaxweynuhu uu maalmihii la soo dhaafay uu guuldaraystay Booqasho uu ku tagay Puntland. Wararka qaar ayaa sheegaya in booqashada hada ee Kismaayo uu ku tagayo ay daba socoto socdaalkii dhawaan uu ku tagay dalka Kenya magalada Mabasa oo la sheegay in la filayey inay isku arki doonan Axmad Madoobe oo ah hogamiyaha deganadaasi mamulka kaga dhawaaqay, balse waxaa la sheegay in kulankaasi uu baaqday, bedelkiisana loo bedelay inuu Madaxwaynahu uu booqdo Kismaayo, lamana oga in madaxwaynaha Somalia uu ogolaan doono in maamul u samaynta haatan ka socota Jubaland iyo in kale uba land, maxaa yeelay waxa magaaladaasi hore u tagay Raysal Wasaaraha Soomaliya kaas oo kala kulmay booqashadiisii fashilaad oo ay waxba kasoo nasacadaan waayeen waxyaabihii ay ku taamaysay dawlada Fadaraalka inay degaanadaasi ku qanciso in la joojiyo maamulka ay haatan ka wadaan deganadaasi odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deganada Jubooyinka, inkasta oo maamulkaasi la sheegay in laysu mari la yahay hadana waxaa cad in uu jiro khilaaf xoogan oo ka dhexeeya siyaasiyiinta dawlada Fadaraalka oo dhinac ah kan Puntland oo lugta ku dhegan ka la doonayo in laga sameeyo Jubaland iskuna siyaasada maamulka Puntland. Lama oga in safarka Madaxwaynaha Soomaliya in uu haatan ku qancin doono madaxda Jubaland iyo inay joojiyaan maamul u samaynta deegaanadaasi oo ay hoos yimadaan dawlada Fadaraalka ee Muqdisho ka talisa iyo in uu ku fashilmi doono. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Booqasho Hal Maalin ah ku tagay todobadkii hore Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ku saabsan dowlad Wanaaga iyo Sidii Dowladda Soomaaliya ay Ku tiigsan Lahayd Yoolkeeda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Hoosta ka Xariiqay in dhisidda Maamul Goboleedyada dalka in ay tahay Waajib dastuuri ah Balse waxa uu Ku Nuux nuuxsaday in dhisidda Maamul Goboleedyada Lagala tashan doono Maamullada haatan jira qaarkood , qeybaha Kala duwan ee Bulshada Ku nool gobollada Maamullada loo sameynayo isagoona Carabka ku dhuftay in dhisidda Maamul Goboleedyada dastuurka dalka La waafajin doono. Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in dowladdiisa ay tahay Mid Ka shaqeyneysa dib U heshiisiinta iyo Isu Keenida Shacabka Soomaaliyeed ee Kala Irdoobay intii dalka uu bur bursanaa. Dhinaca kale madaxwaynaha soomaliya waxyabahii ay isku maan dhafeen butland waxay ahayeen sida qodobo sabab u noqday in Puntland ay ka hortimid inay ka qeyb-gasho shirka London ee 7-May,kadib markii Madaxweyne Xasan sheikh u shaagay in uu xubno u qoondeyey oo aanu ku dari doonin cid kale kaas oo faroole dalbaday dad dheeri ah qodobadii uu ku dhagay diidayna xitaa inuu mid ka mid ah xitaa ka tanaasulo ayay ahayeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Xasan ayaa ku adkeystay hadii Puntland ay doonayso in Madaxweynaha uu taageero Jubbaland in Gobolka Gedo laga reebo Maamulka Jubbaland lana raaciyo Bay iyo Bakool,waxaana qodobkaan diiday in Gedo laga saaro Puntland oo ku adkeysatay in 2-Jubba iyo Gedo ay is-raacayaan. Waxaa kale oo uu sheegay dadka ayaa la waydiinayaa qaabka ay noqonayaan israacoodu Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa ku adkeystay in Somaliland la raaciyo Goboladda Sool,Sanaag iyo Awdal,waxaana qodobkan diiday Puntland oo Madaxweynaha ku canaanatay inuu Shirka Turkiga markii hore si khiyaano ah uga reebay Puntland hadana aysan raali ka noqon-doonin in 3-daas Gobol Somaliland loo saxiixo sida uu ku adkeystay Madaxweyne Culusooow. |