Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3279

May 2 2013                                                             Jamadi AL-Thani  21,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Shirweynihii Beesha Sacad Muuse Waa La Isku Raacay in Qabto Sanadkan

Mr Cali Dool Axmed “Ex Cali Qoryoley”

“Wallee dheehaay dhaxaad oloshee waa laga dhalin oo laguu dhigi”

Marna may jirin dad diidanaaa oo dhab ahaan ulasoo mutaxnaa Sacad Muuse ma shiri karo,laakiin waxa jiray wax isweydiin ahayd,maxaa laga shiraya oo laga wada hadlayaa?,iyada oo ay gudiga qabanqaabada shirku sheegeen,in aanu shirka Sacad Muuse  siyaasad ku shaqo lahayn,ayay hadana salaadiinta beesha iyo gudiga qabanqaabdu shirar doceedyo  joogta ah maalmahan ku yeelanayeen Hargaysa,kana hadlayeen qaabka ugu habboon ee  uu shirkaasi u hirgali lahaaa.gabgabo iyo is afgarad  ayayna wada hadaladaasi joogaan. Beelnimadu waa qaabdhismeedka asaaska u ah bulshada Somaliland,waa tiirka bulsheedkakeliya,ee sida waaqici ah ama sida rasmiya ah u shaqeeya ee xididada ugu adag ku taagan,ee ay maamul ahaan leeyihiin shacabka dalkani, Dowladnimada iyo xisbinimaduna waa qaabab cusub oo dibadda inagaga yimid,kuwaasoo aan weli si rasmiya ula falgelin dhaqankeenii hore,ama aan si buuxda u dhaqangelin,xidido adagna aan weli ku taagnayn,weliba tiiyoo uu haykalka dowladeed yahay shayga kusoo xiga,dhaqangal ahaan, haykalka beelnimada,hadana waxa taabagalkiisii curyaamiyay siyaasiyiintii liidatay ee mudada dheer hogaaminta haykalkaas iska dhaxlay,jiritaankiisii u ekeysiiyay sidii  Aalad lagu gabraarto,  oo dhaqamada xunxun fulintooda loogu gabado.

Hadaba inaga raacayna dhaqankeenii hore ee Somalilandtu ku maahmaahi jirtay,”walaalkaana wiil ka lohoow,wiilkaagana walaal ka lohoow”ayaynu dowladnimo (ama xisbinimada) beelnimo rasmiya oo inaga dabaasha xumaaneheeda ka lahaanaynaa,beelnimadana dowladnimo rasmiya oo qaloocyadeeda inaga qabata ka lahaanaynaa,si ay labadaas shay si hagaagsan isugu dheeli tiraan,isuna dhamaystiraan. Walle shirka beesha S.Muuse ee nus qarniga ka maqnaa saaxadda shirarka wiilka uu ku curan doono ama natiijada  uu dhali doono weynaanteeda waa wax laga sheekeyn doono,hadday sidaas noqon weydana,waa u magac xumo beeshaas.kama sokeeyo, oo weliba waxbuu dheeraanayaa shirka beeshani,shirarkii beelaha kale ee Somaliland ay hore u yeesheen,sida shirkii Gara adag ee beelaha Habarjeclo,shirkii Dubuur ee beesha Ciise Muuse,shirkii buurta Daalo ee beelaha Habaryoonis, shirakii buuraha Xeedho ee beesha Habarcarfaan  iyo shirkii  degmada Qunujeed ee beesha JIbriil Yoonis.

Awaloon lahayn Yoonis Nuux ha imaanina

Iyagaaba loo Aayaya maalintii adage

Hayeeshee indhaha lagu socdiyo dhaxdu waa meele,

Haddaan ololka baatari ku jirin aydh ma dheelmado “8”,

Tuducyadani waxay idiin tilmaamayan waxa uu dheer yahay shirka Sacad Muuse shirarkii beelaha kale,waxayna ka mid ahaayeen,gabay uu qarnigii hore badhtamihii tirayay Ina khaliif indhoole,ninkkaasoo ahaa abwaan caan ahaa oo beesha Sacad Muuse ee maanta shiraysa baarkeeda sare kasoo jeeday.

Maalinba maqaal ayay leedahaye,beesha Sacad Muuse ma waxay isu taqaanaa, mise waa waxa loo yaqaano?,dadka reer Somaliland waxay ku naanaysan beeshii UNta ahayd,maalinbaa nin beeshaas Sacad Muuse kasoo jeeday uu su’aal weydiiyay mudane Saleebaan Maxamud Aadan,oo aan wakhtigaas xilka gudoomiyaha Guurtida aan haynin,waxa uu ku yidhi,horta maxay siyaasiyiinta Somaliland u qayqaybiyaan beesha S.Muuse?,markaasu isaga oo aan iskuba lurin u jawaabay oo uu yidhi,yaa kale oo la qaybqaybin laha oo qaybsami karaya oo aan beeshaas ahayn?

dadkii hore ee Reer Somaliland waxay isugu dhuceyn jireen ,talo xumo ilaahay kuguma rido,hadduu kugu ridana ilaahay odayada kaagama rido. Dhinaca kale imisaan goobjooge u ahaa waxgaradka beeshaas oo isweydiinaya,horta maxaynu sida beelaha dalka inugula nool u noqon weynay?.,waa su,aal in badan ay isweydiiyaan dadka beeshaas u dhashay,ninbaa maalin isaga oo ka jawaabaya yidhi,horta miyaynu  sida beesha Habarjecla noqon karaa,oo khaladka iyo saxaba isku raaci karraa? Kii kalaa yidhi waa maya,laakiin ogoow oo hadana beelbaynu nahay!!,miyaynu sida beesha Habaryoonis ee Dababka iyo Ardaayada habka ciidanka dowladeed u  habaysan noqon karra? Waxa uu yidhi malaha dee waa maya laakiin beelbaynu nahay!! ,miyaynu sida beesha Ciise Muuse ee kolba ninka qudha ka amar qaatada noqon karra? Waa maya ayaa lagu yidhi,laakiin beelbanynu nahay,miyaynu sida beesha Gadabuursi ee aqoonyahankeeda iyo madaxdhaqameedkeedu isku xidhan yihiin ee go,aanka qudha kasoo boxo noqon karraa? Dee malaha Waa maya.lakiin beelbaynu nahay!! miyaynu sida beesha dhulbahante ee shanta maamul kala tageersan noqon karra? Taasi Waa maya. laakiin beelbaynu nahay!. miyaynu sida beesha Arab ee gelinka keliya wada dhaqaaqaysa ma noqon karraa? Dee malaha waa maya, laakiin ogoow beelbaynu nahaye,miyaynu sida beesha Ciise ee xeerka qudha,ee ugaaska iyo golaha Gendigu u hayan leh, ee sidaas u midaysan noqon karra?.haayoo, WAA INUU SHIRKA SACAD MUUSE KAGA DUWANAADO SHIRARKII KALE EE BEELAHA Somaliland sameynta xeer guud oo beelaha magaca weyn  wadaago ay yeeshaan. Nin kale ayaa soo booday oo yidhi,alleylehe waxaan u malaynayaa inaynu sidaas Ciisaha Madoobaha yeeli karro,maxaayeelay,S .Muuse waa beel ay dadweyneheedu reer magaal,beeralay  iyo ganacsato u badan yihiin,waa beel ay dadweyneheedu dhammantood Somaliland wada aaminsan yhiin ,kuna dhimanayaan haddii lasoo farageliyo xuduudaha iyo qaddiyadda Somaliland,waa beesha degaanka caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ugu badan,dulqaad iyo deeq badan ayaa laga doonaya,si qarankani u taabagalo,haddii ay dabci ahaan,sida beesha Habarjeclo ay noqdaan,Hargeysa caasimad maanay noqoteenoo,maalinta uu madaxweynuhu khalad yar sameeyo,ayay intay isasoo urursadan oo ay nacalabaa yidhaahdaan,ay qasriga madaxtooyada  ugu daadan ayay madaxweynhii oo u shaqaynaya ay dhengad kagasoo saari lahaayeen,markaasuu qaranka khaladkas yar ee l;a saxan karo uu maalintaas inaga dummi lahaa,haddii ay xintanka beenimada ku dheereedaan Sacad MUUSE oo degaankii caasimadda ugu badan,dalkuba khalkhal kama bexeen wiiloow.ninbaa maalin yidhi,Ilaahay ayaa ogsoon malinta uu beesha S.Muuse iyo qowmiyadda Oromada ee tirada badanba uu dhaqaajin doono,maalintaasoo ay  sidii daadka dhul badan jiidhi doonaan.

Kasoo gudub oo u kaalay shirka S,MUUSE ee lagu baaqay,horta ilaahay kama dhjigoi S,Muuse beel shir kari weyda,oo loogu maahmaaho ama l isku habaaro,oo beelaha kale ay yidhaahdaan “ilaahay shirkiina kii S.Muse qabsoomi waayay ka dhig”.

Waxa wanaagsan inuu shirkaasi qabsoomo oo ay salaadiintuna guddoonka yeeshaan,(xeerbeegtida) gudiyaduna ay go,aanka yeeshaan,sidii dhaqanka dadkeenu ahaan jiray.Cali Jaamac Haabiil ayaa tuducyadan ku timaamay,xariifnimada looga bahan yahay raga shirarka noocan ah ababulaya isaga qexay qaabka ay  shirarka beeluhu u qabsoomaan iyo qaabka la isugusoo jiido shaqsiyaadka ujeedooyinka iyo  fikradaha kala duwan ka leh shirarka.

•           Gar adkaatay xaajada guracan guurti kala magtay

•           Haddii geedka loo bixo tashiga golaha waayeelka

•           Gaagaabsaya iyo isagu geesi hadalyaaba

•           Guddoonkii lawada raaci jirayu gocanayaa mooyi

Marbaan anigu isku dayay inaan kaalintaas isusoo dhoweynta fikradaha kala duwan qaato,inkasta oo aan waxooga qardoofooyin yaryar ah,aan kala kulmay,kuwa ku laalaya gudiga beesha S Muuse ee shirka wadda,hadana kama aanaan quusanin inaan salaadiinta beesha iyo gudiga beesha aan iskusoo jiido,dadka in uunbaa wax bilowda,beeshuna madal qudha iskuguma iman karto,laakiin gudi qabanqaabo oo howsha ballaadhan ee shirka dhabarka u ridata  aad iyo aad ayaa loogu baahnaa.xilbayna inaga furteen,oo kolley dhisidooda ayaa howl culus ahayd,waxase gudiga gudohooda laga doonaya,farsamo yaqaano xeel dheer xanaftirista shirarka xarfaan ku ah,oo daacadnimo iyo dadjeceyl ay qalbiyadooda ka buuxaan.