Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3287 |
May 12 2013 Rajab 2,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Dhalinyarada Ku Nool Bariga Dhexe Oo ShaqoLa’aan Wehel U Noqday Bariga dhexe ayaa ah meesha ugu daran ee dhalinyarada bilaa shaqada ahi ay ku noolyihiin marka loo eego aduunka kale, qoysasku waxa ay badi la halgamayaan inay helaan shaqo ay mahadiyaan oo hoos u dhigta xaalada baaxaa tagaysa. Sidaasi waxa lagu sheegay warbixin ay soo saartay ururka Shaqaalaha Aduunka (ILO). Tirada dhalinyarada shaqada la ee aduunka ku nool ayaa lagu qiyaasay 12.6 per cent sanadkan aynu ku jirno 2013-ka, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 73 million oo dhalinyaro ah oo shaqola’ sanadkan 2013.Waxaana la filayaa in arintani ay sii korodho oo ay gaadho 12.7 sanadkan soo socda. Isla markaana boqolkiiba 30.3 dhalinyarada ku nool bariga dhexe ay shaqo layihiin guud ahaan gobolada oo dhan. Dhalinyarada Bilaa camalka ah ayaa lagu qiimeeyey 28.3 per cent sanadkii hore ee 2012, iyadoo la filayo in ku dhawaad 30% ay ku korodho sanadka 2018 dhalinyarada shaqada la’. Wadamada ugu daran ee xaaladooda shaqo la’aaneed ay daran tahay ayay warbixintu ku sheegtay Jordan, dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta, ay yihiin bilaa camal 29.9 per cent (2011) iyo 38.8 per cent (2010) dhalinyarada shaqada la’. Halka ku dhawaad 28% dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 15 – 24 aanay wax shaqo ah ka haynin Saudi Arabia sanadkii u dambeeyey. Marka laga tago Waqooyiga Afrika, Bariga dhexe waxa uu noqonayaa halka koowaad ee labada gobol ee tirada shaqo la’aantu ay ka sii kor marayso in ka badan 10% sanadkii 2012-ka. |