|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3293 |
May 19 2013 Rajab 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Maqaamkii Weynaa Ee Loogu Dabaaldegay 22guurada Ka Soo Wareegay Curashadii Gooni Isku Taaga S/land, Khudbadii Madaxweynaha Iyo Mahadhooyinkii Ku Cusbaa “Waxaan Leeyahay Madaxda Bulshada Somalia Hindisaha Midnimada Anagaa Keenay Nalama Khasbin Shalay Annagaa Somalinimada Dan Moodaynay Ee Waa Nala Nacsiiyey, Anagaa Bilaa Shuruud Iyo Is Aamin Ku Tagnay, Waa Nalagu Kalifay In Aan Idinka Aamin Baxno” Madxweyne Siilaanyo Hargeysa, May 19, 2013 (Haauf) – Xuska 22 guurada ka soo wareegay ku dhawaaqistii gooni isku Taaga qaranimada Somaliland ee 18-kii May 1991-kii, oo shalay looga dabaaldegay gobollada iyo degmooyinka dalka iyo ciidamada kala duwan ee Bilayska, Asluubta iyo Milaariga, ilaalada xeebaha, ilaalada madaxtooyada, kuwaas oo socod gaada ka ciyaar ah ku soo maray jidka wadnaha caasimada, isla markaana salaan sharaf ku siiyay madaxweynaha barxada ka horaysa qasriga Madaxooyada. Waxa kale oo dabaaldegan ka soo qaybgalay ardayda wax ka barata dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay, jaamacadaha iyo shirkadaha ganacsiga, iyadoo sidoo kalena ay ka qaybqaateen dabaaldegaasi iskaashatooyinka basaska iyo qaar ka mid ah hay’adaha dawlada sida wakaaladaha biyaha iyo koronada oo ku kala labisnaa dirasyada gaarka u ah qalabyada ay ku shaqeeyaan. Dabaaldegan 22 guurada xuska 18-ka May ayaa waxa ka mid ahaa waxyaalaha munaasibada xuska 18-ka May, ee indhaha shacabkana soo jiitay koox ka mid ah haweenka ciidanka bilayska oo iyagu ku labisnaa dirayska booliska, isla markaana ku gaashaanaa qoryaha fudud, gaardi ka ciyaara ku dabaaldegayay, taas oo noqonaysa markii ugu horaysay ee ay dhacdohaween ciidan ah oo ku gaardiya qoryo. Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaalaha ku cusbaa 22 guuradan Libaax lagu jeeni qaaray calanka Somaliland oo gaadhi la soo saaray, ayaa isaguna ka mid ahaa mahadhooyinka xiisaha lahaa ee ku cusbaa xusaska loo qabtay 18-May. Sidoo kale waxa iyaguna goobta la mariyey awr iyo fardo ay ku shaqlan yihiin calanka Somaliland. Waxyaalaha kale ee cajiibka ahaa ee indhaha dadweynaha magaaladda Hargeysa ka yaabiyey gaadiidka dadweynaha oo ay ku shaqlan yihiin calanka, kuwaas oo iskugu jiray gaadiidka looyaqaan Basaska iyo takaasiddda, waxa kale oo xusid mudan inay ganacsatada waaweyn iyo shirkadaha wax soo saara madasha ku soo bandhigay siday u taageersan yihiin madaxbanaanidda Somaliland. Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Maxamed Maxamed Maxamuud Sillaanyo oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyey ayaa kaga hadlayey madaxbaanida iyo gooni isku taaga Somaliland waxaanu yidhi “Walalayaal waddan kasta waxa wax ka dhiga dadkiisa, waxaa horumar gaadhsiisa Ummadiisa, waddan wuxuu taabbo-galaa oo horumar ku talaabsadaa marka dadkiisu meel u wada jeesto, isku duubnaadaan una midoobaan Qaranimada. Horumarka dalku waa halbowlaha koowaad ee aynu higsanayno, waxaa ogtihiin halka uu dhaqaalaha wadanku marayey waanad ka war-haysaan halka aanu gaadhsiinay, balse wali fari kama qodna, weli waxaanu u faydanahay sidii uu dhaqaalaheenu ugaadhi lahaa meel halkaa ka sii fiican. Waxaanan garwaaaqsanahay baahida jirta iyo heerka ay nolosha bulshadu marayso iyo duruufa kala duwan ee ay ku nool yihiin dadkaygu, waxaan garawsanahay, oo ogahay xilka iyo masuuliyada iga saran, cidina igama jecla inay gaadhaan nolol aad u fiican, waxbarasho, caafimaad, cunto iyo biyo ku filan, waxaanse ka xumahay in dadkaygu maanta dayaceen Xoolihii, Deegankii iyo waliba Beerihii! Sidee baynu ku horumaraynaa hadaynaan ku tacbin dhulkeena? Hadaynaan u sabrin oo u dhididin Dhulkeena? Walaalayaal, dunida maanta waynu isu furanay oo wufuud badan iyo dalxiisayaal kala duwan ayaa maalin walba ina soo booqda, Soomaalidu waxay tidhaa “hugaagu wuu kula marti tagaa”. Waxaanu dib-u-dhis, dib-u-habayn iyo dhismayaal cusub oo bilic leh ku kordhinay xafiisyada wasaaradaha dawlada badankooda. Waxaanu ka bilownay Caasimada wadooyin casri ah, si aynu ula tartano caasimadaha dalalka jaarka ah iyo kuwa dunida, in sha Allaahu goboladana waanu gaadhsiin doonaa. Waxaanu dardar gelinay dhismaha wadooyinka laamiga ah ee magaalooyinka isku xidha. Waxaan idiinku baaqayaa inaad gacan ka gaystaan oo aydaan waxba kala hadhin mashaaricdaas kala duwan ee aynu ku talaabsanay fullintooda. Beesha caalamka waxaan leeyahay, dadkaygu waxay u tashadeen aayahooda, dalkaygu wuxuu lasoo noqday Madax-banaanidiisi iyo Qaranimadiisii, Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana maaha in beesha caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan hummaaga lahayn. Bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay “Self Determination” sida Bulshada Caalamka intiisa kale. Dalkani maaha wax xalay dhashay, wuxuu leeyahay taariikh, waxaa dadkiisii u soo galeen halgan dheer, dedaal-kaas oo ay ku hanti-yeen gobanimadii 1960-kii, gumaystihii dalkooda kaga kiciyey gacmahooda iyagoo Rabi-good la kaashanaya. Midnimada maanta la hadal hayo, dadkanaa horseed u ahaa iyadoo ay niyad wanaag iyo walaalnimo qalbigooda ka buuxdo. Nasiib daro, maalintii la is raacay shan maalmood dabadeedba Midnimadii waa lagu hungoobay, waxaanay ahayd 5tii July markii uu Yusuf Ismaaciil Samatar Gaandhi Khudbad uu jeediyey daboolka kaga qaaday xaqiiqdii Jirtay in ahayd in is-raacii aanu u dhicin sidii laga filayey Midnimadiina lagu Hungoobay! . Waxay ahayd dhacdo aan la dafiri karin in Dastuurkii laysku raaci lahaa ee Somaliland iyo Somalia ku midoobi lahaayeen dadkii Reer Somaliland ay 90% ugu codeeyeen Maya “NO”, iyagoo Diidmo qayaxan kala hor yimid, balse nasiib daro dhagahaa laga furaystay, taasi waxay dhaxalsiisay inqilaabkii dhalinyaradii Saraakiisha ahaa ee reer Somaliland ay Xilligaas sameeyeen. Kaas oo bannaanka soo dhigay tabashadii iyo dareenkii reer Somaliland. Gilgilashadaasi ismay taagin ee waxaa ku xigay Mudaharaadkii Macalimiinta ee loo yaqaanay “Bakayle-qalad” iyo is-casilaadii Wasiiradii reer Somaliland ee Xilka ka hayey xukuumadii Muqdisho. Waxaanay ahayd Nasiib-daro in aan la tix-galin dareenkaa ee sida imikaba caadada u ah Somalia in dad Suuqa jooga oo aan metelin Bulshada Lagu Buuxsado kuraasta, waxay ahayd quustii ay dadka reer Somaliland israacii kaga talax-gabeen. Muddo yar ka dib, waxaa bilaabmay qalalaasihii iyo afgembigii dawladii digteetarka ahayd, cid dambana talo lama waydiin, waxaana lagu war helay iyadoo dadka la isku xidh-xidhay laguna xasuuqay JAZIIRA, ganacsatadii qoorta laysugu dabay oo la dhigay Burco, Malko Durduuro, Kal-sheekh iyo goobo badan oo aan tiro lagu soo koobi karin. Waxay ahayd nabar xanuun badan iyo wax naxdin leh, oo aan la ilaawi karin diyaradiihii Hargeysa ka kacayey ee duqaynayey maatadii Hargeysa ay ka baro kiciyeen ilaa intii ay dhaafeyeen xuduudka Ethiopia. Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Somalia hindisaha Midnimada anagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Somalinimada dan moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno, waanu soo tijaabinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma nihin riyadii beenowday ee 5tii Somaliyeed. Wax kastoo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan Go’aanka bulshaday ku timi, gummaca mujaahidkay ku dhalatay, gargaarka Eebbey ku dhisan tahay. Haddaba walaalayaal midnimo hadhay oo 5 Somaliyeed soo noqon mayso ee yaynaan walaalnimada seegin, Somalida Djibouti waa Dawlad Ilahayna haw Barakeeyo Dawladnimadooda, Soomalida Kenya Dawladooda wax ha la qabsadaan Ilaahayna ha isu barakeeyo, Soomalida Ethopia Dawladooda wax ha la qaybsadaan Illahayna ha isu barakeeyo. Somaalilandna halkeeda Alle ha u barakeeyo, dhammaanteen walaalo iskaashada aan ahaano sida walaalaha carbeed. Waxaynu dhidibada u taagnay qaran dimuqraadi ah, oo ku dhisan nidaamka axsaabta badan. Madax banaanida Garsoorka, Golayaasha sharci dejinta iyo xukuumada kaas oo ku salaysan mabadiida Caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda aadamaha, Maamul wanaaga, Horumarka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxaynu dib-u-dhis iyo horumarin ku samaynay maamulka dawladnimo, amniga, difaaca qaranka iyo adeegyada bulshada. Inaga oo ka bilownay wadama aynu jaarka nahay waxaynu aduunyada kula dhaqanay jaar wanaag, wax wada qabsi iyo in aynaan faro galin ku samayn arrimaha ugaarka ah dalalka kale. Dhammaan talabooyinkaasi waxay ay dhabada u xaadhayaan inaynu ka midho dhalino qadiyada madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaynu ku talaabsanay inaynu usoo bandhigno beesha caalmka jiritaankeena, heerka aynu gaadhnay iyo sida ay inooga go’aan tahay hanashada madax banaanideenu. Waxaynu ka badheedhnay, in aynaan cidna uga waaban in aynu tagno, kana qayb-galo gole kasta oo lagaga hadlayo arimaha Somaliland, talaabadaasi waxay inoo soo kordhisay: •Inay qadiyadeenu gaadho fagarayeyal badan oo aanay hore u gaadhiin. • Inay qadiyadeenu noqoto mid caalamku xog-ogaal intii hore ka badan u yahay maanta. •Inay abuurmaan dalal badan oo danaynaya gogolna u fidiyay wada hadalada Somaliland iyo Somalia. Waxaa kulamadaas ka dhashay kana soo baxay heshiisyo caalamku goob joog ka yahay oo summad u ah jiritaanka qaranka Somaliland. •Inaan faro-galin lagu samayn karin qaranimada JSL wax walbana lagu dhamaysto wada hadal iyo wada xaajood ku dhisan nabad gelyo iyo is ixtiraam. •Waxaynu kasbanay daneeyayaal cusub oo maalgashi ka bilaabay dhulkeena. Gudo iyo dibed, maanta arrimaheenu waxay galeen marxalad cusub oo aynu ku xaqiijinayno horumarka dalkeena iyo hanashada madax banaani buuxda oo aynu gaadhno, geed dheer iyo geed gaabanba waynu u fuuli, god kasta oo ay inala gashaba waynu ka saari doonaa Insha Allaahu. Gabo-gabo Nabad galyada, Midnimada ummada iyo difaaca qaranimadu waa aasaaska dawladnimada, waxaan salaan, bogaadin iyo mahad naq u soo jeedinaya Ciidmada kala duwan ee hadh iyo habeen utaagan illaalinta nabad gelyada iyo difaaca qaranimada dalka. Waxaan taa mid la mid ah u soo jeedinayaa wax-garadka, madax-dhaqameedka, Culimada, Dhalinyarada haweenka iyo dhammaan muwaadiniinta ku garab taagan gudashada xilkooda. Waxaan ugu baaqaya Shacabka reer Somaliland inay isu taagaan dib u dhiska iyo horumarka dalkooda, inay dhexda u xidhaan una midoobaan ka difaaca gobanimadooda, cadawga gudaha iyo ka Dibeda. Waxaan ugu baaqayaa inay dhawrtaan sharaftooda, gobanimadooda, dhaqankooda iyo diintooda, marxalad kasta oo ka hortimaadana ay kaga gudbaan wadajir iyo midnimo. Waxaan balan qaadayaa inaan dalkayga iyo dadkayga ku hogaamiyo dariiqa horumarka, dhawrista xuquuqda, amniga, difaaca qaranka iyo qabyo tirka madax banaanida dalka Insha Allahu. Waxa aan eebe inooga baryayaa in aynu ku gaadhno munaasibadan teeda kale nabad-gelyo, Horumar, Ictiraaf iyo Midnimo, in Illahay qaranka ka dhigo mid waara oo dadkiisu ku noolaado Gobonimo, Barwaaqo, Sharaf iyo Horumar. Mahad Eebaa Leh, idina waad mahadsantihiin,,, |