|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3293 |
May 19 2013 Rajab 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Waftiga Dawlada Jabuuti Oo Ka Hadlay Xuska 18-Ka May Ee Ay Ka Soo Qaybgaleen Hareysa, May 19, 2013 (Haauf) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Jabuui Cali Cabdi Faarax oo hogaaminay wafdi ka socda Baarlamaanka dawlada Jabuui oo xuska 22 guurada ka soo wareegay madaxbanaanida Somaliland shalay kala qaybgalay munaasibadaasi, ayaa sheegay in waftigoodu ka turjumayo walaalnimada ka dhaxaysa shacabka Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu tilmaamay in waftigooda uu soo diray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle si ay munaasibada 18-ka May uga qaybgalaan. Md Cali Cabdi Faarax oo shalay warbaahinta uga waramay ujeedada waftigooda ka yimid Jabuuti, ayaa waxa uu yidhi “Waftigayaga ka socda dalka Jabuuti waxaa na soo diray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle si aanu shacabka Somaliland ugala qaybgalno xuska 22guurada ka soo wareegtay xuska 18-ka May, waftigayagu waxa uu ka turjumayaa walaalnimada ka dhaxaysa shacabka Somaliland iyo Jabuuti iyo inaanu idinla ciidno maadama ay yihiin shacabka Somaliland iyo Jabuuti dad wada dhashay oo isku dhiig ah. Sidaa darteed shacabka Somaliland waanu uga hambalyaynaynaa xuska dabaaldega ka soo wareegtay 22 guurada munaasibada 18-ka may. |