|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3293 |
May 19 2013 Rajab 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
JSL Waa Qaran Madax Banaan, Waana Xaqiiqo Jirta Oo Dhab Ah Oo Aan La Dafiri Karin Beesha Caalamka-Na Waxaanu Ugu Baaqayna Inay Ixtiraamaan Rabitaanka Shacbiga Gudomiyaha Ururka Horseed Md. Calawi Cabdi Gaboobe Gudomiyaha ururka wadaniga ah ee Horseed aya sheegay inay gobanimada iyo la soo Noqoshada madax banaanida dalkeena Hooyo ee Jamhuuriyada Somaliland uu sabab Uu ahaa dulmigii iyo tacadigii faraha badnaa ee ay inoo geysteen somaliya xilligii Midawgii aanu eednay ee gaadhay heer xasuuq benia’adanimo baahsan ee sida Waxashnimada ah ee dadka muwaadiniinta ah ( civill iyo ciidan-ba ) ee ka soo jeeday Jamhuuriyada Somaliland inta xadhko la iskugu xidh-xidhay lala dhacay qoryaha lidka Diyaradaha iyo Tawaangida iyaga oo aan waxba galabsan .arintaasi-na waxaanu Ilaabi doono ma aha weligayo., oo magaca somaliya markaanu maqalno waxa Inagu soo dhaca xusuustii xasuuqii waxashinamada aha ee ay inoo geysteen Sido kale gudomiyaha ururka wadaniga ah ee Horseed wuxu tilmaamay inay mabda’ Gooni isu taaga iyo madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland ay tahay lama Taabtaan aan gor-gortan geli karin. Gebogebadii wuxu ugu baaqay bullshada caalamka in-aanay xaqiiqada jirta in-anay Iska indho tirin isla markaana ixtiraamaan rabitaanka shacbiga JamhuuriyadaSomaliland ee uu xaqa uu le’yahay, war-saxaafadeed-kaasi oo laga soo saaray Caasimada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeys , isaga oo dhameestiran waa sidan ; Sida la wada ogyahay xorriyadani qaaliga ah ee uu Allaaha Weyni ina siiyey waxay Ku timid ka dib midawgii fashilmay ee dhex maray Jamhuuriyada Somaliland iyo Somaliya (1960 – 1991 ) mudaadaasi 31 sanadood ahayd waxa loogu geystay shacbigii Jamhuuriyada Somaliland ee midnimada dhaliyey wakhtigaasi oo loogu abaal guday Dil Dhac , Xasuuq Hanti la wareegid Boob , iyada oo laga bilaabay in si bila sabab ah loo Laayo oo la kharaajiyo Hal-doorkii ka soo jeeday Jamhuuriyada Somaliland Sido kale mansabyadii iyo darajoyinkii dawlada waxa si badheedh ah looga qadiyey Ama lagu yareyey umada dhan ee qaranka ah ee dal dhan ah metalaysay ee ka Soo jeeday Jamhuuriyada Somaliland. Waxa la odhan kara xasuuqii loo geystay shacbiga Jamhuuriyada Somalild xilligii Sideetamaaadkii ee ay uu geysteen ciidamadii dawladii somaliya wuxu la mid yahay Xasuuqii loogu geystay Tuutsiga 1994 ee ay ku kaceen Hutuuga ah ee dalka Rawanda. Waxa la yaab leh kuwa maanta leh waxaanu doonayna inaynu somaali isu keeno oo la Heshiiyo !!! Halkay joogeen shalay markii la xasuuqayey shacabiga dalka Jamhuuriyada Somaliland Ee 100 % Muslimka ah Halkay joogtay islaamnimadoodu kuwa maanta Waxaasi ku Hadaaqaya ee diidan inay dadkani si nabad gelyo ku jirto uu nolaadaan Iyaga oo Ilashanaya dawladnimadooda iyo calankooda Tawxiidku dul sudan yahay ee aan Weligii degi doonin inshaa’ Allaah. Waxa Hubaal ah inay qadiyada gooni isu taaga iyo madax banaanida qaranimo ee dalkeena Hooyo ee Jamhuuriyada Somaliland ay tahay lama taabtaan aan gor-gortan geli Karin Abadan ,cid wax ka bedali karta-na aanay jirin cid ku dhici karta-na aanay jirin, sababtuna Waxay tahay waa arin ay taladeedu iyo go’aankeedu dhamaaday markii magaalada Burco 18.May.1991 lagaga dhawaaqay la soo noqoshadii qaranimadii iyo madax banaanidii Dalkeena Hooyo ee Jamhuuriyada Somaliland ee dhiiga faraha badani uu daadtay ee Naf maal cilmi aqoon iyo wax kasta oo qaaliya loo huray. Haddaba maanta oo ay 22 sanadood ka soo wareegtay xorriyadeena qiimaha qaaliga ah Inoogu fadhida cid inagu khukhin karta ama inagu qasbi karta xamar ama somaliya Ma jirto . waxa xaqiiqo ah oo ay indhaha cafimaadka qaba arkayaan isla markaana ay cid kasta oo damiir farow lihi ay qirayaan inay shacbiga Jamhuuriyada Somaliland ay yihiin dad jira oo leh yool iyo hadaf mid ah oo ah inay Jamhuuriyada Somaliland gooni ahaato oo aanay dib danbe cid kale la midoobin wax kasta haddii ay dhacayaan; shacbiga Jamhuuriyada Somaliland waxay go’aansadeen 22 sanadood ka hor inay dalkooda dhistaan, ilashadaan, hour-mariyaan waanay kaga dhabayeen oo way uu hirgashay waanay ku guuleysteen iyaga oo mar kasta Allah weyn gar-gaarsanya oo talo saartay kuna tawakalay . Jamhuuriyada Somaliland waa dal xor ah waana xaqiiqo jirta oo dhab ah oo aan La dafiri Karin kii jecel iyo kii neceba , dabaal dega sanadkan ee sanad guurada 22-aad ee 18.May.2013 waxa loogu quus goynaya cadawga Jamhuuriyada Somaliland. Munaasibada dabaal dega sanad guurada 22-aad ee ka soo wareegtay maalintii la soo Noqoshadii qaranimadii iyo madax banaanidii dalkeena Hooyo ee Jamhuuriyada Somaliland ee lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18.May.1991 , waxaanu Hambalyo Iyo Salaam Aad uu qaaliya aanu uu dirayna shacbiga dalka Jamhuuriyada Somaliland Meel kast Oo ay joogaan-ba waxaanu le’ynahay ku noolaada farxad, cafimaad qab, Rayn-rayn idinka Oo nabad iyo xasilloni ku jira inshaa’ Allaahu Gebo-gebadii, waxaanu ugu baaqayna bullshada iyo dalalka caalamka inay ixtiraamaaan Rabitaanka shacbiga dalka Jamhuuriyada Somaliland oo ha la jaan qaadaan waaqica jira Ee sida cad uu mujinaya inuu dalka Jamhuuriyda Somaliland uu xaq uu leyahay in la Aqoonsado kana mid noqdo xubnaha dalalka caalamka ee xubanha ka ah ururad caalamiga ah Oo ha inaga daayaan ankiraada iyo xaasidnimada qayaxan ee ay la soo taagan yihiin Waxaana ku Jirta danta mandaqada geeska Africa iyo caalamka-ba in la ictiraafo Jamhuuriyada Somalilan Dhinac kasta marka laga eego , xaqna waanu uu leynahay. Waxaanu le’ynahay Jamhuuriyada Somalilnad Ha Noolaato Jamhuuriyada Somaliland Ha Guuleysato. |