Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3293

May 19 2013                                                                                 Rajab  9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

SOMTEL Oo Kaalintii Ugu Ballaadhnayd Ka Qaadatay Baahinta Tooska Ah Ee Munaasibaddii 18-Ka May

Hargeysa, May 19, 2013 (Haatuf) - Shirkadda waddaniga ah ee dhinaca isgaadhsiinta casriga ah SOMTEL, ayaa kaalintii ugu ballaadhnayd ka qaadatay baahinta tooska ah ee dabbaaldegyada xuska sannad-guurada 22-aad maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May oo telefishannada waaweyn ee dalku si toos ah u tabinayeen munaasibadaha iyo khudbadaha laga jeediyey.

Shirkadda SOMTEL ayaa awoodeedda baahineed ee adeegga internetka ku suurtogelisay in telefishannada kala ah; Qaranka (SLNTV), HCTV, Space channel, Bulsho tv iyo shaashadaha shirkadda Milgo Digital ay si toos ah u baahiyaan munaasibaddihii xuska 18-ka May ee shalay iyo xalayba ka kala qabsoomay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, taas oo keentay in shacabka Somaliland ee ku kala nool daafaha dunidu si fudud ula socdaan hawlaha dabbaaldegyada maalinta qaranimada dalkooda. Telefishannada waawayn ee Qaranka iyo HCTV oo adduunka oo dhan laga daawado, telefishanka Space Channel oo ku kooban gudaha Hargeysa iyo weliba shaahadadaha waaweyn shirkadda Milgo Digital ku leedahay suuqyada caasimadda, ayaa dhammaantood iyagoo adeegsanaya internetka shirkadda SOMTEL si toos ah u tabinayey munaasibaddihii 18-ka May ee shalay ka dhacay magaalada Hargeysa iyo xafladdii xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, halka telefishanka Qaranku isagu uu sidoo kale baahinayey xafladdii shalay ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Sidoo kalena, telefishanka Bulsho Tv oo isna laga daawado Hargeysa gudaheeda ayaa si la mid ah telefishannadaasi kale xalay si toos u baahiyey munaasibadda maalinta qaranimada Somaliland oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada. Madaxa Waaxda Iibka iyo Suuqgeynta shirkadda SOMTEL Mr. Iid Muuse Muxumed ayaa ka warramay adeegga shirkaddoodu kaga qaybqaatay munaasibadda 18-ka May iyo ujeeddada ay ka lahaayeen, waxaannu yidhi, “Shirkadda SOMTEL iyadoo awoodeeda dhinaca baahinta, gaar ahaan internetka ka faa’iidaynaysa waxaannu u fududaynay shacabka Somaliland inay si toos ah ula socdaan munaasibadda 18-ka May ee ka dhacay shalay iyo xalay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo ay u baahinayeen telefishannada kala ah Qaranka Somaliland, HCTV, Space Channel, Bulsho Tv iyo shaadahadaha waaweyn ee shirkadda Milgo Digital ku leedahay Hargeysa, kuwaas oo si qurux badan oo aan googo’ lahayn u tabinayey xafladihii gelinkii hore iyo xafladdii xalay ee Madaxtooyadaba.” Waxa kale oo uu sheegay in aanay ahayn markii u horreysay ee shirkadda SOMTEL si toos ah u baahiso hawlo ka socda Somaliland, balse ay hore u tabisay ciyaarihii gobollada Somaliland ee sannadkii 2012 ka lagu qabtay magaalada Burco, isla markaana iminkana ay u diyaargaroobeen inay sidaas oo kale u soo gudbiyaan ciyaaraha gobollada dhawaan laga filayo inay ka furmaan Hargeysa. Dhinaca kale madaxda qaar ka mid ah telefishannada tooska u baahiyey munaasibadaha 18-ka May ee dalka gudihiisa iyagoo kaashanaya shirkadda SOMTEL, ayaa ka hadlay dareenkooda arrintan iyo faa’iidada ay leedahayba. Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Mr. Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa ku tilmaamay baahinta tooska ah ee 18-kii May mid faa’iido ballaadhan u leh dalka iyo shacabkaba, isagoo uga mahadceliyey shirkadda SOMTEL.

“Baahintan munaasibaddaha 18-ka May waxay muhiimad u leedahay in dadka dibadda ku nooli ay si toos ah ula socdaan waxyaabaha dalkooda ka socda isla waqtiga ay dhacayaan, waxay u fududaynaysaa dadka waawayn iyo kuwa shaqaynaya ee mashquulka ah ee aan awoodi karin inay tagaan goobaha munaasibadduhu ka dhacayaan ay guryaha ama meelaha ay joogaan ku daawadaan. Waxa kale oo ay kor u qaadaysaa waddaniyadda iyo in shacabku sii jeclaado dalkoodu.” “Markaa telefishanka Qaranka ahaan in aannu si toos ah u baahinno munaasibaddihii 18-ka May, iyadoo ay noo sahashay shirkadda SOMTEL oo aannu aad ugu mahadcelinayno iyo weliba annagoo soo iibsanay qalab cusub oo lacag qaali ah aannu siisnay,” ayuu yidhi Maareeyaha telefishanka Qaranka Somaliland. Sidoo kale, Agaasimaha guud ee telefishanka madaxabannaan ee HCTV Mr. Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo isna ka hadlay tebinta tooska ah ee ay iska kaashadeen telefishankooda iyo shirkadda SOMTEL, waxaannu yidhi “HCTV waxa uu munaasibadda 18-ka May si toos ah u baahinayey iyadoo ay noo suurtogelisay shirkadda SOMTEL, waxaanay arrintani fududaysay in shacabka Somaliland ee ku kala nool daafaha dunidu ay toos u daawadaan dabbaaldegga dalkooda ka socda. Waxaannuna aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa shirkadda SOMTEL.” “Waa markii saddexaad ee telefishanka HCTV iyo SOMTEL si wadajir ah toos u baahiyaan dhacdooyin kala duwan, iyadoo tebintii tooska ahayd ee u horreysay ee telefishan gaar loo leeyahay oo af-soomaali ku hadlaa ka sameeyo dhulka Soomaalidu degto uu sameeyey HCTV sannadkii 2010-ka munaasibaddii 18-ka May, waxaanna waqtigaasi noo fududaysay shirkadda SOMTEL,” ayuu yidhi Mr. Agaasime Maxamed Ilig.

Ugu dambayn Mr. Mustafe Cismaan Geelle oo u hadlay Milgo Digital oo ka mid ah shirkadaha OGF Group, ayaa sheegay in horumarka tiknoolajiga laga gaadhay sababay tebinta tooska ah oo shirkaddoodu ugu fududaysay shacabka ku sugan suuqyada caasimadda Hargeysa.

“Waantan magaalada Hargeysa aad u ballaadhatay, xafladaha waawayn ee noocan 18-ka May oo kale ah suurtogal noqonmayso in cid waliba tagto meesha ay ka socdaan, sidaa darteed si aannu ugu fududayno shacabka jooga suuqyada caasimadda la socodka munaasibaddihii maalinta qaranimada Somaliland tii maalinimadii dhacday (shalay) iyo tii Madaxtooyada ayaanu toddoba shaashadood oo waaweyn oo ku kala yaal meelo kala duwan magaalada ah si toos ah uga tabinay, annagoo kaashanayna shirkadda SOMTEL oo qaab internet ah noogu soo gudbinaysay muuqaalka xafladahaasi. Markaa waa horumarka la gaadhay xagga farsamada iyo tiknoolajiga casriga ah, waxaannuna jecelnahay in aannu sii wado oo kolba wixii danta shacabka ah soo gudbinno,”