Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3293

May 19 2013                                                                                 Rajab  9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Jaamacadda ADMAS Oo Wacdaro Ka Muujisay Xuska 18-ka May

Hargeysa, May 19, 2013 (Haatuf) – Jaamacadda ADMAS University College ayaa xaflado iyo bannaan bax ballaadhan kaga qayb gashay xuska dabaaldegga maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-Ka May. Xaflad si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyey oo ay ka soo qayb galeen wasiirrada Madaxtooyada, Caddaaladda, Duqa Caasimadda Hargeysa, Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda Waxbarashada, agaasimaha la dagaalanka musuqmaasuqa, fannaaniin, boqolaal ardayda jaamacadda ADMAS wax ka barata iyo maamulka Jaamacaddaas ayaa habeen hore lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Xafladdan oo ay si layaab leh u qurxiyeen ardayda oo ku lebisnayd calanka Somaliland, iyo fannaanka Nuur Daalacay oo madasha ka qaaday hees waddani ah oo ay u kaceen dhamaan intii madasha fadhiday ayaa waxa kale oo aad loogu sacabo-tumay qaar ka mid ah masuuliyiinta xafladda ka soo qayb gashay oo hore uga qalin jebiyey jaamacaddaas. Ugu horeyn, waxa xafladdaas hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS University College, Mr. Ixsaan Cumar Ismaaciil, waxaanu uga mahadnaqay masuuliyiinta xafladda kala soo qayb gashay, ardayda iyo dhamaan shacabka Somaliland oo ugu hambalyeeyey munaasibadda Xuska 18-ka May. Mr. Ixsaan, waxa uu sheegay in ay Jaamacad ahaan aad u weyneynayaan maalintan, isla markaana ay tahay calaamad muujinaysa horumar.

Duqa Caasimadda Hargeysa Mr. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo isaguna halkaas hadal ka jeediyay  ayaa ka hadlay qiimaha ay leedahay 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Somaliya. Duqa Caasimadda Hargeysa, waxa uu ardayda Jaamacadda Ardayda Jaamacadda ADMAS in ay sameeyaan cilmi-baadhis lagu horumarin karo magaalada Hargeysa, iyadoo halkaas intaa kadibna ay Ardayda Jaamacaddu muujiyeen in ay jiraan cilmi-baadhisyo muhiim oo ay sameeyeen oo wax lagaga qaban karo dhibaatooyinka ka jira dalka, kuwaas oo marka loo baahdo laga heli karo Jaamacadda. Intaa kadib, waxa makarafoonka qaatay Fannaanka weyn ee Nuur Jaamac Aadan (Nuur Daalacay), waxaanu sheegay in tahay markii ugu horeysay ee 18-ka May ay ugu soo gasho isagoo jooga Somaliland, waxaanu tibaaxay in dalka lagu dhisi karo laba arrimood oo kala ah Khayraadka Dabiiciga ah oo lala soo baxo iyo dad karti leh oo u istaaga in ay wadankooda ka shaqaystaan. Mr. Nuur Daalacay, waxa uu uga digay dhallinyarada khatarta tahriibta, isaga oo ka sheekeeyay dhibaatooyinka ay la kulmaan dhalinyaradu marka ay naftooda ku biimeeyaan badaha ee intooda badbaadaa ay gaadho  Talyaaniga. “Marka ay dhalinyaradu gaadhaan Talyaaniga, waxa laga dhigaa faro oo sharcina lama siiyo, shaqana ma helaan, meel ay uga bixi karaanna ma jirto, dadkoodiina waxba kuma soo tari karaan” ayuu yidhi Fannaanka Nuur Daalacay. Agaasimaha Tacliinta Sare ee wasaaradda Waxbarashada Md. Khadar Axmed Diiriye oo isaguna madashaas hadal ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay dareenkiisa 18-ka may ee hadda iyo kii 1991-kii, isaga oo tilmaamay in uu ka mid ahaa dadkii joogay madashii lagaga dhawaaqay dib-ula-soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland 1991-kii.

Agaasime Khadar, waxa uu intaa ku daray in ay wasaaradda waxbarashadu aad u weyneynayso maalinta la xusayo. Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ka warramay sida ay Somaliland ugu weyn tahay 18-ka May, waxaanu ku dheeraaday taariikhda halganka iyo dhibaatada taala Somalia.  “Waa maalin aynu ku muujinayno arrimaha siyaasadeed ee taagan dartood mowqifka aynu ka taaganahay Somaliland inuu yahay mid muddo dheer loo soo halgamayay” ayuu yidhi wasiirku. Wasiirku waxa uu dhalinyarada Somaliland u soo jeediyay inay diyaar u noqdaan difaaca qarannimada Somaliland, isaga oo tibaaxay in haddii ay qarniyo qaadanayso in aan laga noqonaynin madaxbaanida Somaliland.

Intaa kadib waxa makarafoonka la wareegay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali X. Xasan oo madasha ka jeediyay khudbad aad loogu sacabo-tumay. Wasiirka madaxtooyada JSL, waxa uu markii ugu horreysay munaasibaddaas kaga warramay sababta ku kaliftay in uu tiriyo gabay, taas oo uu sheegay in ahay wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya ku dhex maray Turkey. “Gabayga waxa igu kalifay munaasibaddii aanu ku wada hadlaynay Somalia ee aan ka mid ahaa guddida wada hadalka ee Ankara, ayay doodi na dhex martay raggii aanu wada hadlaynay rag ka mid ah, waxa aanu ku doodnay Somaliland iyo Somaliya, waxa aanu ku doodnay Xalku waa in aad madaxbanaanidayada ogolaataan oo aad idinkuna gooni isu taagtaan, isaguna (Raggii ka socday Somaliy) idinka siyaasiyiintiina ayuunbaa ku adage dadkiinu ma ogola. Kadib aad baan uga cadhooday oo dareenkayguna wuu isbedelay in dawladdii oo I hor fadhida in dareenka caynkaa ah ay muujiso, dabeeto waxaan ku idhi ninkii dadka Somaliland waxay aaminsan yihiin gooni-isugaagga iyo madaxbaanidoodu inay tahay muqadas, anagana waxa la noo doortay in aanu dadka hoggaamino oo aanu sidaa ku hagno, dadkuna haddii ay shalay midnimada doorteen, maantana iyaggaa doortay inay gooni isug taagaan, taas ayaa igu kaliftay gabaygii aan tiriyey” ayuu yidhi wasiirku. Dhinaca kale, waxa ay shalay ardayda Jaamacadda ADMAS ay socod ku mareen wadada wadnaha ee hormarta madaxtooyada iyaga oo ruxaya calanka Somaliland si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan 18-ka May.