|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3293 |
May 19 2013 Rajab 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Madaxwaynaha Somalia Oo Si Indho La’aan Ah Ugu Hadaaqay Hadalo Lid Ku Ah Gooni Isutaga S/land Muqdisho, May 19, 2013 (W.Wararka) - Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan ka fiirsasho lahayn ay afkiisa uga soo bexeen hadalo lid ku ah qaranimada Somaliland iyo wadahadaladii u dhexeeyey0 Somaliland iyo Somaliya uga bilaabmay dalka Turkiga, iyadoo ay shalay dadwaynaha reer Somaliland u dabaal dagayeen 22-guuradii ka soo wareegtay markii ay la soo noqdeen xornimadoodii halawday ee sanadkii 1960-kii ay ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska taas oo aad moodo in uu madaxwayne Xasan uu ka xumaaday dabaal degyadii ay samaynayeen dadwaynaha reer Somaliland dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.Inkastoo aanay ahayn markii u horaysay ee masuul ka tirsan xukuumadihii Muqdisho soo maray uu hadalkan oo kale ama mid lamid ka soo yeedho, balse hadalkiisani waxa uu ku soo beegmayaa xili ay wada hadalo u socdaan labada dal kaas oo ay bulshada caalamkuna dhexdhexaadinayso, Iyadoo hadalkan shalay ka soo yeedhay madaxwaynaha Somaliya uu jabinayo qodob ka mida qodobadii lagu heshiiyay ee wadanka Turkiga, kaas oo ahaa in aanay labada dawladood warbahinta isu marin wax weeraro dhinaca afka. |