Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3293

May 19 2013                                                                                 Rajab  9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wenger: Bixitaankii Van Persie Kooxda Ayuu Dhabarka Ka Jibiyay

Tababaraha Arsenal ee Wenger ayaa qiray in kooxdiisa ay dharbaaxo xooggan ay kala kulmeen talaabadii Van Persie uu kaga tagay kooxda xagaagii la soo dhaafay. Isaga oo u badiyay in sababta natiijooyinka kooxda hoos u dhigay bilaawgii horyaalka uu ahaa kalsooni darro ku dhacday ciyaarooyda marka la eego isla qabsi la`aan ka dhex dhacday ciyaartooyda cusub iyo kuwii hore u joogay kooxda 10-kii todobaad ee ugu horeeyay ee horyaalka . Shirka jaraa`id ee maanta ka horeeyay kulanka Newcastle ee bertio ayuu Wenger yiri ” ma dafirayo in aan dhaawacanay markii Van Persie naga tagay maxaa yeelay waxa uu ahaa kabtankii iyo gool dhaliyihii kooxda , dhab ahaantii bixitaankiisa ciyaartooyda ayuu saameeyay oo kalsoonida ayuu ka dilay, taasina natiijooyinka kooxda ayay gil gileen”. Arsenal ayay berito ka go`an tahay in ay badiyaan kulankaas Newcastle si booska afaraad uga harin iyadoo loolan adag kala kulmaya kooxda kale ee Tottenham.