|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3293 |
May 19 2013 Rajab 9,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Tevez Oo Gaashaanka U Daruuray Dalabka Monaco Iyo Wakiilkiisa Oo Kulan La Leh Juventus Ilo wareedyo wargeysyada Talyaaniga ay qorayaan dhaawanahaan ayaa sheegaya in kooxda Juventus ay xiiseyneyso in ay la soo hishiiyaan weeraryahanka Man City ee Carlos Tevez. Xiddigaan oo sidoo kale magaciisa lala xariirinayay kooxda Monaco oo dhawaan heerka koowaad ee faransiiska timid laba sano ka dib ayuu wargeyska La Gazeta del sport sheegayaa in laacibka uu gaashaanka u daruuray dalabkaasi xilli hishiiska Tevez ee City uu dhamaanayo xagaaga 2014-ka . Wargeyska ayaa intaa ku daraya in wakiilka laacibkaasi Adrian Rouco uu haatan gaaray dalka Taliyaaniga si Juventus wadahadalo ula soo yeesho oo ku aadan arinta Tevez.Warku waxa uu intaa ku darayaa in Juventus ay diyaar la yihiin hishiis sedex sano iyo waliba mushaar sanadla ah oo gaaraya 6 milyan oo euro.Sidoo kale balanqaadyo dheeraad ayaa jira doona iyadoo Tevez uu haatan ka qaato kooxda Man City mushaar sanadkii gaaraya 10-milyan oo euro Man City ayaa dhankooda codsanaya in magaca Vidal oo Juventus u ciyaara lagu soo daro wadahalada waxa ayna Juventus u muuqdaan kuwo aan yeeli doonin in ay fasaxaas laacibkaasi. |