Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3293

May 19 2013                                                                                 Rajab  9,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Shirkadda Indha-Deero Group Oo Si Wayn Uga Qayb-Qaadatey Xuska Dabaal-Dega 22 Guuradda Gooni Isku-Taaga S/Land Ee 18-Ka May

Hargeysa, May 19, 2013 (Haauf) – Shirkadda Wadaniga ah ee Indha-deero Group Company ayaa shalay wacdaro ka muujiyay xuska dabaaldega 22-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni isku Taaga qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-kii May. Shirkada ganacsiga ee Indha-deero group waxay dabaaldegii xuska 18 May ka dhacay waddada wadanaha ee Caasimada Hargeysa oo ay jidkaasi Shaqaalaha iyo Hawl-wadeenadda Shirkadda Indho-deero ku soo bandhigeen Adeegyadda iyo alaabta ay soo saarto Shirkadaasi, taas oo ay si wayn ula dhaceen dadwaynihii u soo baxay daawashadda dabaal-dega xuska 18-ka May oo sy shalay halkaas iyaguna wacdaro ku soo bandhigeen Ciidamadd kala duwan ee Qaranka oo gaada ka ciyaar ku marey, isla markaana ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada, shirkadaha ganacsiga ayaa iyaguna halkaas ku soo bandhigay waxyaabo kala duwan. Sidoo kale Shaqaalaha iyo Hawl-wadeenadda iyo Maamulka shirkadda Indha-deero Group ayaa iyagu noqday shirkadii ugu abaabulka fiicnayd shirkadihii dabaal-degaa shalay ee 18-ka May adeegyadooda ku soo bandhigay.

Shirkadda Wadaniga ah ee Indho-deero Group ayaa waxay halkaasi ka muujisay waxyaalo xiiso leh oo soo jiitay indhaha shacbiga Somaliland ee daawanayay dabaaldegaas xuska 18 May oo isagu ka qabsoomay Barxada ka horaysa Qasriga Madaxtooyadda S/land, iyadoo ay dadweynuhu aad ugu bogeen shirkadda Indha-deero Group arrimaha xiisaha leh ee ay ku soo bandhigeen munaasbada xuska, taas oo noqonaysa Taariikh xiiso leh oo shirkada indha-deero diiwaanka u gashay, islamarkaana lagu xasuusan doono sida ay bulshadda Somaliland ugala qayb-qaadatay xuska maalinta Qaranimadooda. Dhinaca kale Shirkadda Wadaniga ah ee Indha-deero Group Company ayaa Dhambaal Hambalyo ah u dirtay guud ahaan Shacbiga Somaliland  gudo iyo debad-ba, kuna Bogaadisay Xuska sanad guuradda 22-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May 2013 ee maalintii shalay loo dabaal-dagay, taas oo Xaflado  lagu waynaynayo laga sameeyey guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka iyo dalal badan oo Dunida ka mid ah oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Canada, Ingiriiska, Sweden, Denmark iyo dalal kale oo  badan.

Shirkadda ganacsiga ee Indha-deero Group Company waxa ay guud ahaan bulshadda Somaliland ugu baaqday inay Ilaashadaan Nabadgalyadooda iyo Kala danbaytooda, isla markaana ay meel uga soo wada jeedsadaan waxkasta oo Xagal-daacin kara  Qaranimadda Jamhuriyada Somaliland, waxaanay Shacbiga Ilaahay uga rajaysay inuu sanadkaas sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo iyo in Alle ugu wado Nabadgalyada iyo Horumarka ay hiigsanayaan.

Waxaana sidaas lagu sheegay War-saxaafadeed shirkadda Indho-deero Group soo saartay, isla markaana nuqul ka mid ah oo soo gaadhay  Wargeyska Haatuf, kaas oo ku saxeexnaa Maareeyaha guud ee shirkadda Indho-deero Group  Md Aadan Xaaji Yuusuf Cabdi, isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa Warsaxaafadeedkaasi sidan:- “Shirkadda Indha-deero Group Compuny Waxay dhambaal hambalyo ah u diraysaa guud ahaan Bulshadda Somaliland ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalka iyo dalka dibadiisaba, kuwaas oo aanu ku Bogaadinayno Xuska Munaasibadda 22 guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee ku beegnayd shalay Sabtidiii oo bishu ahayd 18-ka bisha May 2013.  Shirkadda Indho-deero Group waxaanay Shacbiga Somaliland ee Nabadgalyada Jecel ku boorinaysaa inay ilaashadaan Nabadgalyadooda, isla markaana ay dhinac uga soo wada jeedsadaan waxkasta oo dhaawaci kara Kala-danbaynta dalkooda. Sidoo kale Shirkadda Group Company waxa ay shacbiga Somaliland Ilaahay uga rajaynaysaa inuu maalinta Shucuubtooda qaaliga ku ah maalinteeda uu ku gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo iyo inay gaadhaan Himiladooda ah inay dal Madaxbanaan oo dunida ka mid ah Alle ku simo. Ugu danbayn waxay Maamulka, Shaqaalaha iyo Hawl-wadeenadda Shirkadda Waddaniga ah ee Indho-deero Group waxay bogaadin u dirayaan, dhamaan shacbiga Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku nool iyo cidkasta oo jecel horumarka iyo Nabad-galyada cagaha adag ku taagan ee ka jirta Somaliland, waxaanay Madaxda Shirkaddu cadaynayaan inay si wayn Shacbiga ugala shaqayn-doonaan, horena ugala shaqayn jireen horumarka iyo himilada dadaalka ku dhisan ee ay bulshaddani ku soo dhaqmaysay 22-kii sano ee ay jirtay”.