|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3294 |
May 20 2013 Rajab 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Qaranimada Somaliland Waxba Laga Waydiin Maayo Nin Beebeeyada Ciidamada AMISOM Magan U Ah Hargeysa, May 20, 2013 (Haatuf) – Boqor Muxumed Geelle Seed oo ka mid ah madaxdhaqameedyada Somaliland ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu ku riyooday midnimadii Soomaaliya ee dhamaatay, kuna tilmaamay hadalada ka soo yeedhay doraad kuwo aanu u miidaan dayin, isagoo intaa ku daray inuu yahay nin beebeeyada ciidamada amisom ee Muqdisho ku sugan u magan ah. Boqor Muxumed Geelle Seed oo shalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay isagoo jooga magaalada Gabilay, ayaa sidoo kale shacbiga Somaliland iyo ciidamada dalkaba hambalyo iyo bogadin uga diray sidii hagar la’aanta ahayd ee ay uga qayb qaaten xuska 22 guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii madaxbanaanida Somaliland ee Sabtidii doraad looga dabaaldegay dalka gudiisa iyo daafaha dunida. Boqor Geelle isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Marka ugu horaysa waxaan shacabka reer Somaliland ee ku kala dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba aan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa sidii ay shucuurtooda wadaninimo ugu muujiyeen xuska 22 guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii madaxbanaanida Somaliland ee doraad la xusay, sidoo kale ciidamada kala duwan ee dalka ayaan iyagana hambalyo u dirayaa. Hadalada xanafta leh ee ka soo yeedhay madaxweynaha Somalia ee uu ku sheegay in dawladiisu ay doonayso in Somaliland iyo Somalia ay dib u midoobaan, waxaanu u aragnaa hadalo hawaawiya iyo kuwo riyo ku dhisan, qaranimada Somaliland waxba kama sheegi karo nin magan u ah beebeeyada ciidamada amism ee Somalia ku sugan, oo xaafada kaliya oo muqdisho ku taalaaanb xukumin, waxaan leeyahay nimaan quusta aqoonin isagaa quus ah. Somaliland Alle mooyee aadmi uma baahna, sidaa darted waxaanu leenahay shakhsiyadka Somalia eek u riyoonaya midnimo dambe oo Somaliland iyo Somalia dhexmarta, kala quusanee qoomamo la’aada”. |