|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3294 |
May 20 2013 Rajab 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Waftigii Reer Djibouti Ee Xuska 18-Ka May Ka Qayb-Galay Oo Hadhimo Sharafeed Loogu Sameeyey Arabsiyo, Kana Hadlay Arrimo Door Ah Arabsiyo, May 20, 2013 (Haatuf) – Waftigii dawladda Djibouti u soo dirtey inay bulshadda Somaliland kala qaybgalaan debaal-dega xuska sanad-guurada 22-aad ee Qaranimadda Somaliland ee 18-ka May ayaa shalay si wayn loogu soo dhaweeyey Magaaladda Arabsiyo oo loogu sameeyey Hadhimo-sharafeed la isku arkay. Sidoo kale Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta dalka Jabuuti Cali Cabdi Faarax iyo Waftiga reer Djibouti ee uu hogaaminayey ayaa ka mahad Celiyay Munaasibadaas Hadhimo-sharafeedka ah ee shalay Loogu Sameeyay Magaalada Arabsiyo oo katirsan Gobolka Gabiley, iyadoo uu halkaas hadal kooban ka jeediyey Wasiirkii hore ee Warfaafinta dalkaas Cali Cabdi Faarax oo shucuubta Somaliland ugu hambalyeeyey xuska maalinta Qaranimadooda, isla markaana sheegay inay shacbiga dadaal badan sameeyeen 22-kii sano ee jiritaankooda. Cali Cabdi Faarax Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Dalka Jabuuti oo wakhtigan ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka dalkaas oo waftigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Djibouti Ugure Kifle Axmed, Yaasiin Xasan Liibaan, Cabdi Axmed Muuse,Xuseen Idiris Guuleed,Diini Maxamed Buraale iyo Cali Fu,aad, ayaa waxa Magaaladda Arabsiyo si wayn ugu soo dhaweeyey Maamulka gobolka Gabiley iyo ka Degmooyinka Arabsiyo iyo Gabiley. Cali Cabdi Faarax ayaa isagu mar uu ka hadlayey sida uu u arko xuska 18-ka May, waxa uu yidhi "Waxaad Tihiin Somaliland dal kor usocda oo iyagu dedaalay oo iyagu wax walba qabsadey oo Dowladnimo u dhimani aanay jirin habyaraatee halkii dowladi Joogteyna waad joogtaan idinkaa halkaa isa soo gaadhsiiyay Mustaqbalkana waxbaad Caawin doontaan".Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cali Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti, waxa uu yidhi "Somaliland Waa Djibouti, Djibouti-na Waa Somaliland waayo waxa aanu tagney maanta Qabrigii Ilma-dado Siyaasigii ugu da weynaa Jabuuti Guhaad, waa dal iyo dad isku mid ah, Waananu ku hambalyeyneynaa Sida Wanaagsan ee ay u qabsadeen Munaasibadii Qaranka Somaliland, Afrika la isma hambalyeeyo laakiin halkani waa dal Dimuqraadiya, waa dal dhisan waa dal Nabedgelyo leh oo halkii Dowladi joogtey jooga, Afrika la isma hambalyeeyo ee waa la is dilaa laakiin halkan labadii la kala Wareegaaba wey is hambalyeeyaan". Waxaanu Cali Cabdi Faarax uga mahad Celiyay bulshadda deegaankaas Hadhimo-sharafeedka ay ku marti-qaadeen Bustaanada Magaalada Arabsiyo. Dhinaca kale waxa kale oo Isaguna hadal kooban oo soo dhaweyn ah halkaa ka jeediyay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo Sheegay inay aad ugu faraxsan Yihiin Booqashada ay dalka Somaliland usoo gaadheen Waftiga Reer Jabuuti ka Qeybgalka Maalinta Qaranimada Somaliland isagoo sigaar ah u Xusey Booqsahada ay Booqdeen Xabaashii Marxuum Guhaad oo ahaa Siyaasi dalka Jabuuti kamid ahaa halgamayaasheedii. Waxa kale oo iyaguna halkaa hadalo Soo dhaweyn Waftiga ah ka Jeediyay Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi, Maayarka Gabilery Shuceyb Maxamed, Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax, iyo Xoghayaha D/hoose ee Deg,ada Gabiley C/raxmaan Nuur, Suldaan Ibraahim Jaamac Samater iyo Xubno kale. |