|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3294 |
May 20 2013 Rajab 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Jidka Laamiga Ah Ee Shirkadda China Hona Group Ka Wado Dhismihiisa Badhtamaha Caasimadda Oo Door Mihiim Ah Ka Ciyaaray Xuskii 18-ka May Iyo Bulshadda Oo Si Wayn Ugu Riyaaqday Hargeysa, May 20, 2013 Haatuf) – Jidka Laamiga ah ee 2Km ah ee ay Shirkadda China Hona Group ka hirgalisay ayaa door mihiim ah ka qaatey Xuska Sanad-guurada 22-aad ee Qaranimadda Somaliland ee 18-ka May oo maalintii doraad si qayrul-caadi ah bulshadda Somaliland uga xusseen Magaaladda Hargeysa iyo guud ahaan goboladda dalka iyo dacalada dunidaba. Jidka Laamiga ah ee ay Shirkadda China Hona Group dhismihiisa wali ka wado Waddada halbawlaha ah ee Caasimadda Hargeysa oo ay markii hore ka soo bilaabeen dhismihiisa Wasaaradda Maaliyadda horteeda ayaa waxa uu wakhtigan marayaa xarunta Shirkadda Telesom ee badhtamaha Suuqa hoose, halkaas oo ay si habsami ah uga socota samayn jidkaas oo ah mid meeqaamkiisu la mid yahay jidadka Caalamka, ayaa sidoo kale la filayaa inuu 48-ka Saacadood soo socda inuu gaadho xarunta dawladad hoose ee Hargeysa. Sidoo kale bulshadda ku dhaqan Caasimadda dalka ee Hargeysa ayaa si wayn iyagu ugu riyaaqay, isla markaana u soo dhaweeyey dhismaha Jidka Wad-naha ee Hargeysa oo 22-kii sano ee ay Somaliland jirtay aad u dayacnaa, dhibaato badana ay kala kulmi jireen gaadiidka isticmaala jidkaasi, kuwaas oo marka ay falanqaynayaan goobaha la iskugu yimaado ku faaqidayey mudada kooban ee Masaafada 2Km ah ay Shirkadda China Hona Group ku hirgalisay xili looga bartey Dawladda hoose ee Hargeysa inay mudo bil ku dhaw samayn jirtey 2 Km oo bilaa tayo ah. Isku soo wada-duuboo qalabka iyo hawl-wadeenadda ajanabiga ah ee Surianka u badan ee ka shaqaynaya Jidkaas ayaa u muuqda kuwo mudo kooban Caasimadda dalka kaga hirgalinkara Jidad Stander-ka Caalamka leh oo aan si dhakhto ah u burburin, isla markaana u dayacmin. |