Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3294

May 20 2013                                                                                 Rajab  10,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mulkiilaha Hotelka Xaraf Oo Hambalyo Uga Diray Shacabka S/Land Xuska 18-May, Kana Hadlay Tahriibka Dhalinyarada Wehelka U Noqday

Hargeysa, May 20, 2013 (Haatuf) – Mulkiilaha Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa aqoonyahan Maxamed Maxamuud Cumar Faras ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo, xukuumadiisa iyo dhamaan shacabka reer Somaliland hambalyo uga diray xusk munaasibada 22 guurada ka soo wareegtay markii gooni isku taaga Somaliland lagaga dhawaaqay Burco 1991-kii iyo sidii wanaagsanayd ee maalintii doraad ay uga dhacday dalka xuska 18-ka May, waxaanu tilmaamay in shacbiga Somaliland waxay dareen aad iyo aad u cajiib ah, ku muujiyeen sida ay nabadgalyadooda u ilaashanayaan, waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan halganka ay ugu jiraan horumarka dalkooda. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Cumar Faras waxa kala oo uu ka hadlay tahriibka muddooyinkan dambe wehelka u noqday dhalinyarada Somaliland oo uu ugu baaqay inay dalkooda aaminaan, isla markaana maskaxdooda ka saaraan dhalanteedka beenta ah ee balaga looga lulay dalalka shisheeye ee safarkooda halaagu ka sokeeyo. Aqoonyahanka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi (Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa xuska 18-ka May madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xukuumadiisa iyo dhamaan shacbiga Somaliland munaasibada 22 guurada ka soo wareegtay maalintii gooni isku taaga Somaliland lagaga dhawaaqay Burco 1991-kii, sidii wanaagsanayd ee maalintii doraad xuska 18-ka may uga dhacay dalka, waxaanay shacbiga reer Somaliland ku muujiyeen sida ay u ilaashanayaan nabadgalyada dalkooda, waxaanan leeyahay halkaa ka sii wada halganka aad ugu jirtaan horumarka dalka” Aqoonyahanku isagoo ka hadlaya tahriibka dhalinyrada Somaliland muddooynkan dambe wehelka u noqday, waxa uu ugu baaqay “Aafada tahriibka dhalinyarada Somaliland muddooyinkan dambe wehelka u noqday waxaan leeyahay dhalinyarooy dalkiina hooyo aamina oo maskaxdiina ka saara dhalanteedka beenta ah ee balaga laga lulayo dalalka shisheeye, waxaan leeyahay hiyigiina ka saara tahriibka oo aamina wadankiina hodanka ah”.