|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3294 |
May 20 2013 Rajab 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Xukuumada Somaliland Waa Inay Jawaab Cad Ka Bixiso Hadalada Dhiifta Leh Ee Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Muqdisho Hargeysa, May 20, 2013 (Haatuf) – Hadalka dhiifta leh ee doraad ka soo yeedhay madaxweynaha magaalada Muqdisho ee somalia Xasan Sheekh Maxamuud, kasoo ku riyooday maalintii doraad inay doonayaan midnimo mar labaad dhex marta Somaliland iyo Somalia, taas oo uu ku beegay xuska 22 guurada ka soo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay gooni isku taaga madaxbanaanida Somalialnd. Madaxweynaha Muqdisho hadaladaa meel ka dhaca iyo gefka ku ah qaranimada Somaliland ee ay halganka dheer u soo gashay shacbiga dalkani oo nafo badan iyo maal badan ku timid gobanimada iyo jiritaanka Somaliland ayaa hadaladan hawaawiga ah ee ka soo yeedhay madaxweynaha muqdisho ayaa gebi ahaanba jabiyay qodob ka mid ah heshiisyadii Somaliland iyo Somalia ay wad galeen, iyadoo tiraba saddex jeer oo hore ay si badheedh ah ugu gafeen arrimaha gaarka ah ee Somaliland ay xaqa u leedahay. Xukuumada Somaliland oo aan ilaa hada wax jawaab ah oo cad ka bixinin hadalada qaranmada gafka ku ah ee ka soo burqaday madaxweynaha gacan ku rimiska ah ee beesha caalamku ay u soo cumaamaday Dalkii saqiiray ee Somalia ee coladuhu halakeeyeen, ayaa looga baahan yahay in xukuumada Somaliland ay go’aano adag ka qaadato maadaama uu jabiyeen shakhsiyaadka dawlad ku sheegta muqdisho wada hadaladii labadii sano ee u dambeeyay u socday labada dal, iyadoo marka la eego weedhaha qadafka ah ee ay caadaysteen shakhsiyaadkaasi maamul ku sheega muqdisho ay nusqaan noqonayso in Somaliland ay ku sii mashquusho wada hadalada madhalayska ah ee Somaliland iyo Somalia, taas oo noqonaysa mid sumcada iyo karaamada gooni isku taaga Somaliland wax u dhimi karta, isla markaana go’aanka shacbiga reer Somaliland ay kaga go’aan qaateen aayo tashigooda ay haboon tahay in xukuumada Somaliland ay u cadayso beesha caalamka iyo maamul ku sheega muqdisho in qaranimada Somaliland aanay ahayn mid gorgortan iyo wada hadal laga gali karo |