|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3294 |
May 20 2013 Rajab 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Qarax Ciidamada AMISOM Lagula Beegsaday Wadada Warshadaha Ee Muqdisho Iyo Khasaaraha Soo Gaadhay Muqdisho, May 20, 2013 (W.Wararka) - Barqanimadii shalay ayaa Qarax Miino loo dhigay Ciidamo ka tirsan AMISOM inta u dhexeysay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Kuliyadda Jaalla Siyaad ee Magaalada Muqdisho. Goob Joogayaal ka ag dhawaa Goobta uu qaraxu ka dhacay oo warbaahinta Somalia u waramay ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa Miino nooca dhulka lagu Aaso. Qaraxa ayaa Geystay Khasaaro Isugu Jirta dhimasho iyo dhaawac iyadoona Goobta uu qaraxu ka dhacay ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan Kuwa AMISOM kuwaasi oo xiray qeybo ka mid ah wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho. Taliyaha Gaaska Labaad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cismaan Cageey oo Qaraxa kadib lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa Qarax Miino oo La dhigay wadada dhinaceeda isagoona Carabka ku dhuftay in aysan Jirin wax khasaaro ah oo ka soo Gaaray Ciidamada AMISOM ee qaraxaasi lala bartilmaamsaday. Dhinaca Kale Kooxo Hubeysan ayaa Maanta degmada Howl wadaag ku dhaawacay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya Gaar ahaan Kuwa Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Askariga la dhaawacay ayaa Marayay Afaafka Hore ee Xarunta Degmada Howl wadaag waxaana Rag ku hubeysan Bastoolado ay la dheceen Rasaas iyadoona la sheegay in Askarigaasi uu Iska difaacay kooxihii soo weeraray. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dhaawaca Askarigaasi kadib Howl gallo ka sameeyay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaana Howl galladaasi lagu soo qab qabtay dad gaaraya illaa 30 qof kuwaasi oo la sheegay in loo sii dhaadhiciyay Xarunta Saldhiga Howl wadaag ee Magaalada Muqdisho. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa hay’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa Xaqiijiyay dhaawaca Askarigaasi ka tirsan Nabad Sugida. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay falal Amni xumi oo isugu Jira dilal iyo Qaraxyo lala eeganayay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyadoona Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ay ku soo Cel celisay in ay wax ka qaban doonto Ammaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan in ay Ka hort tageyso Weerarada Al Shabaab. |