Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3294

May 20 2013                                                                                 Rajab  10,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Somaliland: Qaran Iskii Isku Caashaqay?

Abdifatah Sh.Nuux Jaamac (Suldaanka)

AQOONSIGA SOMALIYA AY HESHAY

Hadaba Tan iyo intii ay Somalia soo jirtay malahayga tan ayaa awoodii iyo taageeradii ugu fara badnayd heshay, sababtuna  waxay ahayd uun in maanta caalamku u gartay in kalsoonidooda ay u qalanto cida ay siiyeen, hubaal weli may degin Xamar oo intaa dad ayaa lagu dilayaa, lagu dhacayaa,lagu qafaashayaa, lagu qalanayaa, laguna qarxinayaa , lamana odhan karo wey xasiloontahay balse wey ka go'antahay caalamka inuu taageeradii ugu faraha badneyd  siiyo si ay amaanka ugu sugto, dhaqaalaha u kobciso, wixii caawimaad ahna ugu fidiso ilaa iyo intay isku filaansho gaadheyso, kollay sawirka halkaa ka muuqdaa waxa weeeyi in xitaa la soo celiyo waxa ka maqnaa ee xasilooni darradu keentay,maaanta tan dhacday waxay ku xigtay markii ay Hay'adaha qaramada modoobay ay yidhaadeen xarumo ayaan ka furaneynaa Muqdisho maantana tan ayaa ku xigtay berrina ta xigta waa in laga sii baaraan dago waayo macquul maaha uun hadii fikir xeel dheer ka yeelan weyno is badalka maanta ku yimid mandaqada iyo awoodaha fara badan ee ay ka heshay  caalamka dawladan aan gu' jirsan xataa. ma odhan karo kamaynu hadal arrinta ictiraafka mana odhan karo saameyntiisa kamaynu hadal balse su’aashu waxa weeyi in intee in leeg ayaynu ka hadlnay,  intee in  leeg ayaan maskaxda  ka baadhnay caqabada ay inagu keeni karto ictiraafka somaliya, Waxa la yidhi qofka wax curiyaa ama maskaxda badani  kuma koobnaado  uun masalada loo dhiibo oo jawaab qudhaata yeelata balse wuxu isku dayaa inuu kolba dhinac u rog rogo oo jawaab ka gedisan kala soo baxo.Somaliland cadaadis ayaa ku socda ha noqdo mid la xidhiidha gooni isu taageeda iyo mid ka dhashay ka qayb gal la'aantii shirkii London ama siyaabo kalebaha  ha noqotee waa inaynu u feejignaanaa hadana  ka fikirnaa in la yeesho istaarijiyad Cad ( Strategic Plan )   oo ku saabsan doorka aan  ka ciyaari karno arrimahan inala soo darsay iyo kuwa inala soo darsi doonaba mustaqbalka dhow  waana mid loo  baahanyahay,shaki igagma jiro oo Waa Hubaal in Culays badani ay inagu  soo kordhin doonto Dawladan Rasmiga ah ee Somalia,Madaxdeeni iska fadhiyi jirtayna hawl culus ayaa u soo korodhay,Hadduun bay siyaasadii Aduunka is waajahayaan , hadaba inuu gaabis ku jiro siyaasiyiinteena waxaad ku garanaysaa  Maalintii dawlada soomaaliyadan Cusub la aqoonsaday Masuul keli ah  oo xukuumada Somaliland  ka tirsani si qurux badan ugamuu hadlin.Masuul kastaa wuxuu lahaa aqoonsiga soomaaliya Inama Khuseeyo.Qaar kale waxay lahaayeen Somaliya immika lama aqoonsan, Cidiba isma waydiin Cadaadiska adduunyada Inagaga iman kara.  halkii wax la iska waaydiin lahaa, ayaa madaxdeenu inoo soo horaysiisay "Inama Khusayso".Waxaa siyaasiyiinteena isaga qaldan waxa loogu talo galay dadka gudaha jooga in  lagu jeediyo ( Local Consumption)  iyo waxa dhabta ah ee ay tahay in laga gaashaanto ee la wajaho. Durtaba waxaynu arkaynaa ifafaalaha iyo dareenka wasiirka duulistu ka bixiyay duulimadyada qaramada midoobay, miyaanay ahayn in Bari hore  laga sii tabaabusheysto arimaha noocan oo kale ah islamarkaana hawlo adag loo galo, wa la garaneyay in ey Qaramada midoobay (UNtu)  waxbadan oo cadaadis ah ina saari doonto, wali fari kama qodna kuwo kale oo badan ayaa soo socda haddii aaney maamulkeenu dadaal badan sameynin qorshe cadna la iman, miyaanay ka dhignayn Dawladeenu inay u dhaqmayso  Sidii Ninkii Indhaha La'aa Ee Sugayay Inta Usha Lagu Dhufanayo. Waxay ahayd in qorshe siyaasadeed cad (Strategic Plan) guud laga lahaado arrimaha ka soo fool leh Xukuumadda Somaliya ee Muqdisho inta kolba tallaabo ay qaadeen laga daba tagayo. Tani waaxay ina tusinaysaa  runta oo laga seexday xili danbe oo qabtu inagu dhacday aan soo baraarugnay,  Miyaynaan odhan Karin Waxaynu caadaysanay Go’aano aan la darsin, iyo ficilo (Reactions) gole ka fuul ah. Runtii waxaan qabaa xukuumadeena waxani kama aha garan waa, ee waa badheedh, iyo sabab kale doon, barri waxay odhan doonaan waanagii caynkaas iyo cayn kaas nidhi. Sidaan sheegay wali fari kama qodna, wax badan baa soo socda, waxa dhici doonta dhawaan hadii aan laga gaashaaman in cirka iyo dhulkaba laga  inaga maamulo somalia, waxa iman doonta in laynaga waraabiyo oo biyaha laga maamulo koonfur, oo aanad talaabo qaadi karin, cidii caalamka ka socoto ee inoo soo muraad doontana  ay koonfur inoo soo mari doonto , Horaa loo yidhi “ Ninkii Seexdaa Siciid Dibi Dhalay”, runtii Dadka maanta maamula somaliland waxay ku mahquul yihiin wax kale oon maanta inoo muuqan, marnaba kama fakiri karaan sida looga gaashaaman karo hawlahaa soo kordhaya, ee maalin walba ina hor imanaya.Miyaa xisaab ta lagu daray in Barri ka maalin Telefoonada la inaga  xidhan karo,ooy khadka iyagu leeyihiin, waxaan ku soo gabagabaynaya Maqaalkaygan Siyaasadan Gole Ka Fuulka Ah Ina Wadi Mayso ! waxaan taageersanahay fikirka odhanaya  in wax badan laga sii hor tago ,Ummadani uma taag hayso Budh kolba madaxa kaga dhaca iyadoon filayn waana wixii hore inoo geeyay xamar, waxaanan leeyahay  Go'aanka ay xukuumadu qaadatay waa mid  munaasib ku ah sida wax u dhaceen, Waraabihi waraabaha qaniinyada baray wuxu yidhi  “ Waa Sidaasoo Lagu Xejiyo ”- Wax kasta oo yimaada Go'aaan ka aynu ka qaadano haddu fiican yahay waynu ka badbaadi khatarteeda, hadii se aynu ku sii jirno hurdadan dheer  waxaynu noqon “ Lax Dhunkani Col Iyo Abaartoona Ma Oga ”.

Qalinkii : Abdifatah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka )

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

MBA Student in Jomo Kenyatta University