|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3294 |
May 20 2013 Rajab 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Soomaalida Iyo Mustaqbalka W/Q: Ahmed-Nasri Daahir Xuseen Ilaa Iyo Qarnigii 18aad oo ahyed marki guumeystuhu yimid dhulka somaalida ilaa manta oo lagu jiro 2013 waxay somalidu la kulantey marxalado kala duwan oo mid walib saamenteeda iyo raadkeeda ku yeelatey bulshada soomaaliyeed. Sanadihi u dhaxeeyey 1884 ilaa 2013 waxay somalidu ku soo qaadatey mar ay la halgamayeen guumeystihii inkastoo oo ay ka guuleysteen iyo mar ay dowlado yagleelaan iyagoo umraya hanaanka midowga kadib markii maxamiyadii ingiriiska haysan jirey ee Somaliland iyo qaybti talyaanigu haystey ee koonfur midoween iyag oo rab in la helo shan soomaliyeed oo mida. Mudadii u dhaxeysey 1960 ilaa 1990 oo ay ahyeen midow labadii gobol ee isku biirey 1960 kowdii julaay , mudadaasin waxy lahayd sanado taban iyo toganba, badidood se lama mahadaineyn taasina waa sababta keentey dagaalo ba’an oo dhexmarey dowladii milatariga ahayd iyo shacbigii kadib markey u adkeysan kari waayeen cadaadiska, hadigaada, amar ku taagleynta xad dhaafkaa ahyed , cadaalad adrad, musuqmaasuqa iyo qabiileysiga oo lumisey rajadii shanta Somali in la isku keeno ahyed. In lagu hungoobe midwgan waxa ku cadeynaysa, sadexdii gobel ee aan ka mid noqon ee kala ah jubuuti, Somali galbeed oo ka tirsan itoobiya iyo NFD oo kiinya ah sidey uga nabad galeen dhibta midwgu lahaa. Inkasat oo soomaliland ahyed meesha dhibta ugu wayni ka soo gaadhey hadan si ay udhisaan mustaqbalkooda iyo aayahooda dambe waxay go’aansadeen iney dib ula noqdaan xoriyadii ay ku lumiyeen midowga 1960 maadam ay ahayeen soomalidi ugu horeysey e qaadatey calan xoriyadeed.laga soo bilaabo 1991kii 18 may ilaa manta oo ay ka soo wareegeen 22 sano kuna began 2013 18may, waxay Somaliland dhisatey haykal dawladeed, hanaan horumar amni iyo kala danbeyn sharci, inka kastoon la ictiraafin hadana horumarkey gaadhey Somaliland 22 sano waxa uu intuu doono ka badanyahay 30kii sano ee midawga la aheyd somaliya, tusaalo ahaan hadaan hadaan ka eegno dhinaca tacliinta wakhtigii midawga waxa Somaliland ku yaalay 16 dugsi sare oo kaliya, jaamacadna haba sheegin, halka ay manta ku yaalaan in ka badan in ka badan boqol dugsi sare, ilaa 16 jaamacadood, taasina waxay muujinaysaa in dhinac walba libin laabmey horumarka Somaliland, laguna khasaarey midawgii hore. Waxase ayaan daro ah in 22 sano ee ay Somaliland dhismaysay somaliya aaney wali soo kaban, hadana madaxdeedu marwalba waxay ku hamiyaan midaw, miyaanay se ka habooney iney dib u dhisaan dalkoodii, maaatida, danyarta, iyo dhalinta daycanba mey daryeelaan, wax kale iska daaye amni uun u sugaan, iyagoo alle tala saaranaya, siyaasiyiinta somaaliya miyaanay ogsooneyn raadeyntii midawgii iyo saameynta uu ku yeeshay maskaxda jiilasha manta? Miyaan se horumarka guud ee Somali hirgali Karin midaw la’aan, midawgu’se ma hal calan, iyo hal madaxweyne aan yeelan uun miyaa? Miyaan loo midoobi Karin is iskaandaneefiyaanka? Iyo midawga yurub? Miyaan’se fikirkooga hogaamineed iyo aqoontooduba gaadhsiisneen fahanka ujeedooyinka iyo danaha ay ka leeyihiin dalalka taager midawga somaliya iyo kuwa taageera xaaladaha ka lulalashada sida ictiraaf la’aanta Somaliland iyo xasilooni la’aanta somaliya, siyaasadu malaha saaxiib joogta ah, laakiin waxay leedahay dan joogta ah waana sababta MASAR iyo SUDAAN urabaan midawga Somaliland iyo somaliya, si ay ugu ilaashadaan danaha ay ka leeyihiin wabiga niil ee ay isku hayaan itoobiya, halka se itoobiya rabto midaw la’aanta Somaliland iyo somaliya, sidoo kalana rabin ictiraafka Somaliland iyo daganaansha somaliya, maadaam oo itoobiya aaminsantahay dawlad kasta oo somaliyeed oo awoodeysata iney halis ku tahay dalkeeda. hadaba si mar uun bulshada somaliyeed udhadhamiyaan nolosha casriga ah iyo harumarka miyaaney habooney Somaliland, jubuuti iyo somaliya iyadoo mid waliba gaar utahay dawlad, nidaamkeeda iyo calankeeduna gaar u yahay hadana si guud u sameysan Karin baarlamaan guud oo danahooda guud shaqeeya, kana midoobaan, ka wada shaqeynta diinta, amniga, tacliinta, caafimaadka, dhaqaalaha, dhaqanka, dalxiiska, ganacsiga, iyo ciyaaraha, sidoo kale baasaboor iyo lacag guud, si uu u horumaro dhaqaalahoodu, waxa xaqiiqa in midaw danbe carqalado badani hortaagan yihiin, laakiin midawga noocan ahi lama mid aha kii hore maadama nidaamadeeda hoose mid waliba gaar u leeyahay, waana nidaama casriya oo dunida laga dhadhansan karo noloshooda, laakiin taa waxa hir-galin kara siyaasiyiin xeel dheer oo si fog u eegaya aayaha soomaalida ee mustaqbalka, dibna u dheehanaya taariikhda. EMAIL:nasri_d09@hotmail.com MOBIL: 4197211 |