|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3294 |
May 20 2013 Rajab 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ronaldo Oo Laga Yaabo In Afar Kulan Laga Ganaaxo Waxa ay u muuqaneysaa in xilli ciyaareedkii Ronado ee Real uu dhamaaday amaba qarka uu u saaran yahay dhamaad sababo la xariira kaarkii casaanka ah ee uu ku qaatay kulankii Real iyo Atletico Madrid ee ahaa finalkii Cope Del Rey oo 14-sano ka dib ay qaadeen Atletico Madrid . Wargeyska El Mundo Deportivo ee Spain ka soo baxa ayaa tilmaamaya in kulankaas ahaa kii ugu dambeeyay ee Ronaldo ee xilli ciyaareedkaan sii dhamaanaya. Ronaldo oo kulankaas ku qaatay kaarka casaanka ayaa laga yaabaa in uu wajo ganaax afar ciyaar ah iyadoo xilli ciyaareedkaan labada kulan ka harsan tahay uu ka bilaabanayo halka labada kale ay u noqoneyso bilaawga furitaanka xilli ciyaareedka dambe . ” Ronaldo ma uusan ciyaareeyn si ula kac ah ayuu u sameynayay in uu dhibaateeyo ciyaartooyda ka soo horjeeday ” sidaas waxaa yiri garsoorihii hayay ciyaartaas , iyadoo taasina ay keeneyso in ganaax adag uu la kulmo . Gudiga anshaxa ee ururka kubadda cagta Spain ayaa todobaadka dambe kulan ka yeelanaya xaaladda Ronaldo , waxaana laga yaabaa in ganaax afar kulan ah uu la kulmo xiddiga Madrid ee Ronaldo . |