|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3294 |
May 20 2013 Rajab 10,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Chelsea Oo Dooneysa In Manchester United Ay Magacaabato Lacagta Ay Kaga Iibinayso Wayne Rooney Jariirada Sunday Mirror ayaa sheegeysa in Chelsea ay diidan tahay inay aaminto warka ay United saxaafada u sheegtay ee ah in Rooney aanu iib ahayn. Ilo ku dhowdhow Chelsea ayaa u sheegay Sunday Mirror in Roman Abramovic uu isku diyaarinayo inuu 30 milyan ginni ku qarashgareeyo soo xerogelinta Rooney islamarkaana uu bixiyo mushaharka uu haatan ka qaato United ee 250 kun ginni isbuucii. Waxaa la rumeysan yahay in Abramovich uusan dooneyn inay tartanka Rooney loogu jiro kaga adkaato PSG ama Arsenal. Tababaraha cusub ee United David Moyes ayaa muhiimadiisa koowaad ay tahay inuu meel saaro mustaqbalka Rooney, waxaana uu dhawaan kula hadli doonaa Old Trafford 27 jirkaan. Waxaana wadahadaladaas ay gogoldhig u noqon doonaan hadii Abramovich uu helayo ninka uu rabo iyo hadii kale. Mourinho oo la filayo inuu Chelsea ku soo laabto ayaana taageero weyn u eh Rooney. Ilo ay soo xiganeyso Sunday Mirror ayaa yiri: “Chelsea waxa ay dooneysaa inay hubiso hadii Wayne uu ka tagayo United inuu kaliya iyaga u yimaado. “Waxa ay diyaar u yihiin inay lacag weyn ku qarashgareeyaan Rooney, taasna waa ay u sheegeen United. “Mourinho waa uu jeclaan lahaa inuu tababare u noqdo Rooney. Waxa uu aaminsan yahay inuu ku soo celin karo sidiisa hore, islamarkaana uu u isticmaalo qaabkii uu Drogba ugu isticmaalayay Chelsea.” |