|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3295 |
May 21 2013 Rajab 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Gudd.Wakiilada Oo Madaxwaynaha Somalia Uga Digay Hadalada Lidiga Ku Ah Madaxbanaanida S/land, Qaramadda Midoobay-Na Fariin U Diray Hargeysa, May 21, 2013 (Haatuf) – Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa Madaxwaynaha Somalia uga digay hadalada lidigu ku ah Madaxbanaanida iyo Jiritaanka Somaliland, kaas oo sheegay inaanay banaanayn inuu Xasan Sheekh Maxamuud ka baxo heshiiskii Ankara ee mabnuucay hadalada Xanafta leh. C/raxmaan Cirro, waxa uu sidoo kale baaq u diray Qaramada Midoobay oo uu ka codsaday inay xaqdhawraan qawaaniinteeda oo ay ka mid tahay in bulsho kastaa ka aayaheeda ka tashankarto, waxaanu sidoo kale hoosta uga xariiqay sida ay Somaliland xaqa ugu leedahay inay aayaheeda ka tashato. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro waxa uu sidaas ku sheegay Shirjaraaid oo uu shalay Xafiiskiisa ku qabtey, kaas oo arimahaas ka hadlayanaa, waxa uu yidhi “Somaliland waa Qaran ka da’ wayn Somalia oo horteed jiray oo iyagaa wakhtigaas horena go’aansaday inay Somalia ku biiraan, markii danbena iyagaa gartey oo go’aansaday inay Somalia inteedii kale ka go’aan, isla markaana dhibaato oo waxay go’aankaasna iyaga oo u dhan ay gaadheen 18-kii bishii May 1991-kii oo ay Burco kaga dhawaaqeen oo ay la soo noqdeen gobonimadoodii ay iyagu markii hore geeyeen Xamar, gooni-isku taaga Somaliland waa go’aan shacbi oo aan ka noqosho lahayn, isla markaana cidkasta oo mugdi kaga jiro arintaasi waxa uu shacbiga dalkani u muujiyey xuskii 18-ka May inaanay suurta-gal marnaba noqonaynin in go’aanka shacbiga Somaliland laga noqdaa oo aanay arin dhici karta ahayn. Somaliland meel ay maanta cidi sheegan karto maaha oo way ka wayn tahay, waxay diyaar u tahayna inay nabadgalyo kula noolaato dariskeeda, hase yeeshee waxa kale oo ay diyaar u tahay inay Qaranimadeeda sidii ay horeba ugu difaacday ay imikana u difaacdo”. C/raxmaan Cirro isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Somaliland iyo Somalia wada-hadal ayaa u socday oo mab-diyan in la wada hadlo waanu ogol nahay laakiin mar walba waxa loo wada-hadlayaa uun laba dhinac oo siman, wada-hadaladii Turkigana waad ogaydeen wixii ka soo baxay oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Somalia ayaa wada-hadlayey, waxa kale oo ka mid ahayd qodobadii la kala saxeexday in waxkasta oo wax u dhimi kara oo xajiimayn kara wada-hadaladaasi laga fogaado, markaa Madaxwaynaha Somalia iyo cidkasta oo arimahaas ku dhaqaaqda waxa aanu uga digaynaa inay arimahaas ka fogaadaan oo go’aan diidmo ah, dareen-diidmo ah ayaanu cidkasta oo gooni isku taaga Somaliland ka soo horjeeda aanu ku diidaynaa. Waxa aanu Somalia ula hadlaynaana waa inaynu kala baxno oo la helo Qaran Jamhuuriyadda Somaliland ah oo la aqoonsan yahay”. Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) isaga oo ka hadlaya hadalka Madaxwaynaha Somalia, waxa uu yidhi “Ama Madaxwaynaha Somalia ha noqdo ama Wasiir Somalia ah ha noqdee waxa la doonayaa inay Somalia mideeyaan oo Somaliland aanay jirin, markii horena qayb kamay ahayn ee way ku biirtey hadana way ka soo baxday, arintaasna si cad ayaanu u cambaaraynaynaa waxkasta oo Qaranimada Somaliland wax lidi ku ah ku kacda waanu cambaaraynaynaa. Qaramada Midoobay waxa shuruucdeeda ku jira dadku inay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, Somaliland kiiskeedu wuu ka duwan yahay oo waxay ahayd Qaran Madaxbanaan oo gobonimo qaatey, Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeeyana waxaanu ka codsanaynaa inay shuruucdeeda ixtiraamaan”. |