Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3295

May 21 2013                                                                                 Rajab  11,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Sudan Oo Somalia Ku Caawisay Saanad Milatari

Khartuum, May 21, 2013 (W.Wararka) - Waarka ka imanaya dalka Suudan ayaa sheegaya in dawlada kumeel garka ah eeSsoomaliya ay ugu deeqday hub iyo rasaas noocyo kala duwan leh, kuwaas oo ay ku jiraan qoryaha Ak47 nooca dabajeexa loo yaqaano, kuwa dhexe iyo rasasta qoryaha kala duwan ee hubka. Waraka ayaa waxaa uu intaa ku daryaa in wasiirka gashandhiga soomaliya uu haatan joogo khartuum isagoo ka gudoomay hubkaas iyo rasaastaa ay dawlada suudan ugu deeqday dawlada Soomaliya. Wafdigan oo ay ka mid yihiim Mas’uuliyiin Dhanka Ciidanka Qalabka sida ah oo kala ah, Ganaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, Ganaraal C/qaadir Macalin Nuur Abaanduulaha Saadka iyo Taakulaynta, iyo Madax kale oo dhanka Amaanka ah. Wasiirka gaashaandhiga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo warbahinta u waramayay ayaa sheegay in Safarkooda uu ka dambeeyay kadib Markii ay Marti Qaad rasmi ah uu ka helay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Sudan. Sidoo kale Wasiirka ayaa Carabka ku dhuftay in Dowladda Sudan uu kala Hadli Doono sidii iskaashi Dhanka Milatariga ah u dhex mari lahaa labada Dowladood. Dhanka Kale Kulan ay yeesheen Safiirka Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Madane Maxamed C/laahi Ugaas Faarax iyo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu ugu warbixiyay Safiirka Xaalada Siyaasadeed ee Dowladda Sudan inta Badan kula dhaqanto Soomaaliya kaasoo aan ku dhisnayn Dano gaar ah oo ay Soomaaliya ka leedahay hasayeeshee uu ku dhisan Walaaltinimo iyo Jacayl ay u qabaan Umadda Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa Xusay in Dowladda Sudan ay tahay Dowladii inta Badan garab istaagtay Shacabka Soomaaliyeed markii dhibaatadii Gaajada ku habsatay Qaar ka mid ah Gobolada Koofureed ee Soomaaliya Taasoo aan Abaalkooda loo gudi karin. Safiirka ayaa Sidoo kale uga warbixiyay Xaalada Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan kuwaasoo ah Ardayda ugu Badan ee Wadan Soomaaliya ka baxsan ay wax ka bartaan. Waxaa lagu wadaa Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiin Fiqi in ay Sudan kusii sugnaan Doonaan ilaa maalinta Khamiista ah ee nagu soo fooda leh. Waa markii ugu horeyey ee   dawlada suudan ay ugu deeqdo sanad meletari, waxana dhawaan ay sheegtay dawlada suudan in ay soomaliya ku caawinayso aduun dhaqaale kaas oo la sadalinayo in shixnadan hubka ah ee haatan la siiyey dawlada soomaliya ay ka mid tahay macawinadii ay ugu deeqday dawlda soomaliya,waxana la filayaa in dayaarado lagu gayn doono sanadan todobadka soo socda magalada muqdisho Hore ayuu wasiiirka gashandhiga soomaliya sheegay in dawladiisu anay haysan wax sanad meletari oo ay isku difacaan iyo wax rasaasaba.