Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3295

May 21 2013                                                                                 Rajab  11,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Baarlamaanka Oo Maanta Guda Galaya Dooda Xeerka Ciidanka Bilayska Ee Wax Ka Badalka Iyo Kaabida Lagu Sameeyay

Hargeysa, May 21, 2013 (Haatuf) – Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigooda maanta si rasmiya ugu guda gali doona xeerka ciidanka Booliska oo guddigii goluhu u saaray ay wax ka badal iyo kaabis ku soo sameeyeen qodobada xeerkaasi. Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan maxamed Cabdillaahi (Ciro) oo fadhiga shalay ee golahaasi gudoominayay ayaa gole weynaha si rasmya ugu cadeeyay in xeerka Bilayska oo guddi golaha ka tirsani ay wax ka badal iyo kaabid ku soo sameeyeen qodobada xeerkaasi goluhu fadhigiisa maanta ku guo gali doono dooda xeerka ciidanka Bilayska ee horyaala. Mudanayaal door ah ayaa isku dinwaangaliyay dooda xeerka ciidanka Bilayska ee maanta ka bilaabmi doonta madasha fadhiga wakiilada, kaas oo la filayo in doodiisu ay xasaasi noqon doonto.