|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3295 |
May 21 2013 Rajab 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Gudd.Hay’ada Shaqaalaha Oo Ka Warbixiyey Tirada Shaqaalaha Dawladda Ee Miisaaniyada Sanadkan Ku Jira, Inta La Shaqaalaysiiyey Iyo Inta Hadhay Hargeysa, May 21, 2013 (Haatuf) – Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa ka warbixiyey tirada shaqaalaha dawladda ee ay shaqaalaysiiyeen mudadii uu joogay iyo tirada shaqaalaha Miisaaniyada sanadkan 2013-ka ku jira, kaas oo sheegay in sanadkii 2012-kii ay shaqaalaysiiyeen 2036 Muwaadin oo rag iyo dumarba leh, isla markaana xusay in Miisaaniyada sanadkan ay u qorshaysan tahay in la qaato 1,500 shaqaale, balse wakhtigan la shaqaalaysiiyey 493 qof, inta dhimana la shaqaalaysiinayo dhawaan. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse waxa uu sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu ka baahiyey Wargeyska Waaheen, meeshana ka saaray inuu jiro wax faraq ah oo u dhaxeeya tirada shaqaalaha uu Wasiirka Maaliyada Mr Samaale hore u iclaamiyey iyo numberka uu isagu Warbaahinta u bandhigay, Waxaanu sidaas ku sheegay Shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtey Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa. Nuux Sh. Muuse Ducaale waxa uu sidoo kale xusay in Madaxwayne Siilaanyo, Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Waxbarashadaba ay ka dhaxayso wada-shaqayn aad wayni, isla markaana uu ixtiraam badan u hayo, kaas oo hoosta ka xariiqay inaanu warka Wargeysku baahiyey aanu waxba u dhimi doonin wada-shaqaynta ka dhaxaysa Madaxdaas. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan idiinku yeedhnay inaanu idin siino macluumaad ku saabsan shaqada aanu ummadda u hayno oo aad idinkuna bulshada u bandhigtaan. Aniga iyo Komishanka ila joogaba waxa la magacaabay 13-kii bishii March ee 2012, shaqadana waxaanu la wareegnay 17-kii March markaa bishaas ilaa wakhtigan aynu ku jirno waa la ogyahay waxaanu qabanay. Hadii aan waxyar ka idhaahdo war Warbaahinta galay oo muran badan dhaliyey oo ku saabsan in 1,500 Shaqaale ah ayaa Miisaaniyada ku jira oo la qoray ayey bulshadu in badan ku murmeen, arintaasina maaha markii ugu horaysa ee aan ka hadlo oo waxayba noqonaysaa markii 5-aad ee aan arintaasi ka hadlo. 1,500 ee shaqaalaha ahi way jiraan oo Miisaaniyada waa lagu daray inkasta oo ay Miisaaniyada waxa ku jiraana aanay waxba kala badnayn oo ay ku jiraan ugu yaraan 1,100, markaa shaxda Miisaaniyadda ee aan Jaraa’idka ku arkayey waliba Jariirada Waaheen la yidhaahdo iyo Warbixin anigu aan siiyey Wargeyska Jamhuuriya wax faraq ah oo u dhaxeeya waxay ka hadlayeen oo jiraa ma jirto”. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sheekh Muuse Ducaale isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxa uu Wargayskaasi ciwaanka ka dhigay Nuux, Madaxwaynaha, Ninka Wasiirka Madaxtooyada ah iyo ninka Wasiirka Maaliyada ah keebaa been sheegaya, run ahaantii arintaasi waa wax laga xumaado oo aanay ka muuqanin xirfadii warbaahinta lagu yaqaanay, aniga Madaxwaynuhu waa ka i magacaabay, isla markaana Madaxwaynaha iyo Wasiiradiisuba sharaf iyo qadarin ayey iga mudan yihiin, waana masuuliyiin wada-shaqayn wayni naga dhaxayso oo aanu wada-shaqayn dhaw leenahay oo aan is leeyahay cidi kaagama dhawa weeyaan, waxa laga yaabaa isagu in Wasiir Cabdi Casiis oo ku dhawaaqay 1,500 ee Shaqaalaha uu is yidhaahdo Nuuxway kala fogyihiin Cabdi Casiis, laakiin waxaanu igayn wariyaha Xuuto la yidhaahdo ee warkaas qoray in isagu sida uu u dhawaysanayo aan anigu uga dhawahay oo aanu isku siyaasad nahay, isla markaana wada-shaqayn aad wayni ay naga dhaxayso”. Nuux Sheekh Muuse Guddoomiyaha Hay’ada Shaqalaha mar uu ka hadlayey tirada shaqaalaha la qaatay mudadii uu joogay iyo numberka shaqaalaha Miisaaniyada sanadkan ku jirta, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Mudadaas aan idiin soo sheegay ee aan Hay’addan joogay waxaanu qornay oo aanu qaadanay 2036 shaqaale ah oo rag iyo dumar labadaba leh ayaanu shaqaalaysiinay mudadaasi, isla markaana xiliga aanu shaqaalahaas qaaday waa 2012-kii, sidoo kale sanadkan aynu ku jirno ee 2013-ka oo ay Miisaaniyada noogu jirtay inaanu qaadano 1,500 shaqaale ahi imikana waxaanu tiradaas ka shaqaalaysiinay 493 Muwaadin, waxa danbena Miisaaniyada ayey noogu jiraan oo sida uu qorshuhu ahaa ayey noogu soconayaan”. Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo war laga baahiyey, waxa uu yidhi “Wasiirka Waxbarasadda oo iyadana Maqaal kale lagu soo qaaday waxay iga mudan tahay ixtiraam, waxaana naga dhaxaysa wada-shaqayn fiican oo la mid ah ta Madaxda aan hore u soo sheegay oo kale, waxa aan ka xumahay in Wargeyskaasi uu yidhaahdo way ka gaabinaysaa shaqadeedii, run ahaantii waxa aan ogahay idinkuna aad ogtihiin in Marwo Samsam aanay ahayn sidaas laga sheegay qof shaqadeeda ka gaabinaysa oo waa wax aan la qarin karin waxqabadkeedu oo u muuqda qofkasta, isla markaana waxa wax lagu farxo ah in heerka ay ka soo bilawday Waxbarashadda ee waliba iyada oo ah ruux dumar ah hadana dadaalka ay samaysay waa mid aan la dafiri karin”. |