Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3295

May 21 2013                                                                                 Rajab  11,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Hargeysa: Suxufiyiin Loo Furay Aqoon Korodhsi Muhiim Ah

Hargeysa, May 21, 2013 (Haatuf) – Koox Wariyeyala ah oo ka tirsan Warbaahinta Somaliland ayuu tababar ku saabsan culuum dhinaca Saxaafadu uga bilaabmay magaalada Hargeysa shalay, tababarkan oo uu siin doono Mr Andy Hill oo ah khabiir Ingiriis ah oo muddo dheer aduunka kaga soo shaqeeyey mihnada Saxaafada. Aqoon korodhsigan oo ay soo qabanqaabisay Akadamiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland ayay warbaahintu duruuso ku saabsan Saxaafada ay ku qaadan doonaan Ambassador Hotel, kaas oo socon doona mudo saddex cisho ah. Furitaankii Aqoon korodhsigaasi ayaa waxa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isagu muddo dheer saxaafada Somaliland ku soo jiray, kaas oo sheegay inuu ku faraxsan yahay in Saxaafadu ay hesho cid kasta oo daqiiqad ka mid ah noloshooda u hurta aqoon kordhin. Waxaanu tilmaamay inuu soo dhaweyn iyo dhiirigalinba uu u muujinayo, iyadoo dareen wadaniyadeed ay muujiyeen Saxaafadu, waxaanu sheegay inuu u Mahad naqayo Akadamiyada Nabada iyo Horumarka, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Mr Andy Hill oo ah Macalinka aqoon korodhsina siin doona Suxufiyiinta. Hase yeeshee Maaha markii ugu horaysay ee Suxufigani tababar noocan oo kale ah uu siiyo suxufiyiinta Somaliland, balse waxa jiray tababar kan ka horeeyey oo uu Addis Ababa ku siiyey Suxufiyiin Somaliland.