Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3295

May 21 2013                                                                                 Rajab  11,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Aqoon Is Weydaarsi Lagaga Hadlayay Tayada Dawooyinka Xoolaha Oo Lagu Qabtay Hargeysa Iyo 2 Wariye Oo Caan Ah Oo Daadihinayey

Hargeysa, May 21, 2013 (Haatuf) – Kulan lagu gorfaynayay tayada dawooyinka xoolaha Soomaalida ee dalka loo soo waarido saamaynta xun ee ay ku yeeshaan xoolaha nool oo shalay lagu qabtay huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay shirkadaha iyo xubnaha daawooyinka xoolaha soo dajiya oo ka kala yimid gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa waxa aqoon is waydaarsigan oo socon doona hal maalin soo qabanqaabiyay wasaarada xanaanada xoolaha, waxaan maalgaliyay hay’ada DAI, oo ay daadihinayeen labada wariye ee caanka ah Axmed Xasan Cawke iyo C/salaam Hereri, waxaa kale oo ka soo qaybgalay agaasimaha guud ee xanaanada xoolaha Somaliland Dr Axmed Cagaweyne. Aqoon is waydaarsigan oo ka soo qaybgalyaasha gobollada iyo degmooyinka ka yimid ee shirkadaha iyo dukaamada soo dajiya dawooyinka xoolaha oo tiradoodu gaadhayso ilaa soddon xubnood la sheegay in ujeedada kulani daaran yahay tayada daawooyinka xoolaha iyo saamaynta ay ku yeeshaan dhaqaalaha, maadaama tiir dhaxaadka dhaqaalaha dalku yahay xoolaha nool ee Soomaalida ee ka dhoofa dekada Berbera.

Ugu horayn wariye Axmed Xasan Cawke oo hadal kooban ka jeediyay madashaasi ayaa waxa hadalkiis ka mid ahaa “Kulankan oo runtii ay soo qabanqaabiyeen wasaarada xanaanada xcolaha iyo hay’ada DAI oo kaalin  mug leh ka qaadata barnaamijka dhaqaalaha dalka, runtii aniga iyo saaxiibkay C/salaam Hereri waa dhinaca saxaafada ayaanu ka soo galay wacyi galinta barnaamijka dhaqaalaha dalka, sidii aanu u gaadhsiin lahayn bulshada reer Somaliland, maadaama xoolaha Soomaalida ay yihiin lafdhabarta dhaqaale ee dalka Somaliland ku tirsan yahay, dekada Berbera waxaa ka dhoofay oo qoraalada cadaymaha lagu qoray in lacagta ka soo baxday ee dadweynaha ay dhamayd 4,000,000 milyan dollar waa lacag runtii badan, taasi waxay muujinaysaa dhaqaalah dalka in xoolaha nool uu ku xidhan yahay, markaa hadii ay dawoyinka xoolaha tayadoodu liidato dabcan dhaqaalihii dalka saamayn bay ku yeelanayaan dawooyinkaasi xooluhu, dhinaca caafimaadka xoolaha. kulan aad baad ugu mahadsan tihiin ka soo qaybgalyaashiina gobollada iyo degmooyinka ka yimid ee shirkadaha iyo dukamaada dawooyinka xoolaha soo dajiya, halkan waxaynu isla meel dhigi doonaa arrimo muhiima oo ay ka soo baxaan qodobo ku wajahan tayada dawooyinka xoolaha iyo sidii wax uga qaban lahayn dawooyinka xoolaha ee tayadoodu xun tahay ee suuqa madow” Wariye Cabdi-salaan Hereri oo isaguna hadal kooban ka jeediyay waxa uu yidhi “Runtii marka aynu eegno dhaqaalah dalka tir dhaxaadkiisu waa xoolaha nool, markay sidaa tahayna waxaa loo baahan yahay in xoolihii noolaa ee dhaqaaluhu ku xidhnaa tayadoodu wanaagsanaato oo dawooyinka ay isticmaalayaan ay noqdaan kuwo tayo leh, markaa kulankan oo muhiim ah dhinacayaga waxaanu doonaynaa inaanaan wax kala hadhin wacyi galinta barnaamijlka dhaqaale ee loo baahan yahay in la gaadhsiiyo bulshada reer Somaliland diyaar baanu u nahay, waxaanan uga mahadnaqayaa ka soo qaybgalyaasha halkan yimid ee shirkadaha dawoyinka xoolaha, anaguna ka saxaafad ahaan waanu soo dhawaynaynaa kulankan” Agaasimaha guud ee xanaanada xooaha Dr Axmed Cagawayne oo ka xogwaramay tayada iyo saamaynta xoolaha ay ku yeeshaan dawooyinka kala duwan ee xoolaha ayaa sheegay “in loo baahan yahay inaynu dhinac uga wada jeedno kobcinta iyo tayaynta xoolaha nool ee dalka, maadaama xooluhu yihiin lafdhabarta koowaad ee dhaqaalaha dalka, ka wasaarad ahaana dhinacyada caafimaadinta iyo daawaynta xoolaha waa waajibaadka aanu qaranka ugu igmanahay, tayaynta iyo horumarinta xoolaha nool.

Waxaanaynu maanta halkan ka faa’iidaysanaynaa arrimo mug leh oo ku wajahan horumarka barnaamijka dhaqaale oo ay xooluhu kow ka yihiin sidii loo kobcin lahaa, isla markaana dawooyin tayo leh loo heli lahaa”