Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3295

May 21 2013                                                                                 Rajab  11,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

D/Hoose Ee Hargeysa Waxay Muujisay Isku Filnaansho Buuxa

Faallo: Barkhad-ladiif M. Cumar

Dunidda horumartay waxay isku dhaaftay ka faa’iidaysiga dhalinyaradeedda iyo hawlgalinteedda si kartidda iyo firfircoonaanta ay leeyihiin u galiyaan horumarinta ummadooda, taasina waa ta keentay goobaha laga hawlgaliyo ay ka muuqdaan. Saddex sanno ka hor mar aan booqasho ku tagay Dawlad deegaanka Soomalidda Itoobiya waxaan ka qoray warbixin ka hadlaysa horumarka la taaban karo ee laga hirgaliyey, taas oo aan muujiyey inay muddo gaaban laga hirgaliyey mashaariic farobadan oo la taaban karo, waxaana inta badan mashaariicyadaasi hirgaliyey dhalinyaro jaamacadaha ka soo baxday oo la hawlgaliyey shaqadoodiina loo madax banaaneeyey, sidaa darteed mudadaasi gaaban ee horumarka balaadhan laga sameeyey deegaankaasi ayaan barbardhigay Somaliland, waxaana tusaale usoo qaatay madaxda Somaliland iyo madaxdaasi aan tilmaamay ee waxbadka muujiyey waxay ku kala duwanaayeen waa xaga Da’da, oo kililka shanaad waxa ka taliya dhalinyaro waanad aragteen siday u horumariyeen deegaankooda, halka Somaliland ay ka taliyaan Odayaal daalay, waan ka cudur daaranaya in aan khalad la ii fahmin, ma necbi odayaasha oo waalidkeen, laakiin marka aynu waxqabad ka hadlayno cidda hirgalisaa waa dhallinyaro, waayo iyagu wakhtigoodii way soo qaateen, balse waxa cudud iyo aqoon casri ahba wata waa dhalinyarada wadanka la doonayo in muddo gaaban lagu horumarinay dhalinyaraa madax looga dhigaa. Waxaana suurtogal ah in haddii Somaliland la shaqaalaysiin lahaa dhalinyarada inay wax badan qaban lahaayeen, haseyeeshee ay dib u dhaca xag horumarka Somaliland wehelka la noqotay ay tahay dadka daalay ee caalamku u qoreen hawlgab ayaa inta badan madax ka noqda Dalkeena, kuwaas oo aan waxba qaban karin, isla markaana aanay ka faa’iidaysan DHalinyarada u heelan inay umadoodda wax u qabtaan, waad la socotaan in wakhtiyadii doorashada dadkii ka soo dhalaalay ee sida hagar la’aanta ah umadoodda u shaqeeyey waxay qabteen iyo hawshii baaxada lahaa ee ay ka soo baxeen inay madax ka ahaayeen oo goob kasta oo doorasho ka dhacasyo nin dhalinyaro ah loogu tagayey. Hadii aan usoo daadego duluca maqaalkaygan waxa isoo muuqda ifafaale ay dhalinyaradu ku muujinayaan waxqabad muuqda, waxaanad arkaysaa dhalinyaro kooban oo fursad u helay inay mamulan xafiisyadda Dawladda in loo loogu bogay hawshooda, waxaan tusaale usoo qaadayanaa Maayarka Cusub ee magaaladda Hargeysa dhowaanta loo doortay C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo mudadii gaabnayd ee ay joogeen soo bandhigay waxqabad hore loogu arag magaladda Hargeysa, taasina ay ka dhigtay inay caasimadu agoonnimadii ka baxdo. Maalmihii u dambeeyey waxa badhtamaha magaaladda Hargeysa ka socday  wado casri ah oo laga hirgalinayey magaladda Hargeysa, kuwaas oo badi dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa aad usoo dhoweeyeen, isla markaana ay la yaabeen mudada gaaban ee golaha deegaanku joogay iyo mashruucii ugu horeeyey oo noqday mid ay dadku hadal hayaan qaabkay ugu suurtogashay iyo farsamada casriga ah ee ay la yimaadeen iyo waliba sida ay daacadda ugu yihiin inay magaaladooda qurxiyaan. Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa habeen iyo maalinba usoo daawasho tagi jiray jidka la samaynayo, kuwaas oo u bogay qaabka casriga ah ee wadadan loo samaynayo iyo baaxadda ay hawshani leedahay siday uga soo bixi karaan wiilashan dhalinyarada ah, iyadoo dad badani u arkayeen inay suurtogal ahayn in waddo casri ah laga hirgalin karo Somaliland. Laba iyo labaatankii Somalilnad jirtay ayey dhalinyaradu aanay arag waddo casri ah oo si qurux badan loo dhisayo, isla markaana ay qalab aan hore wadooyinka Somaliland ka shaqayn oo ay lacag badan ku baxayso usoo kiraystay, taasina ay noqotay inay dadku aaminaan inay ka dhabtahay shaqadani iyo waxqabadka ay shacabkooda u balanqaadeenba wakhtigii doorashada ku  jireen. Lacagta xadka dhaafka ah ee ay shirkadan CHINA HONA GROUP qandarasatay kaga qaadatay dawladda Hoose ayaa ah mid aanay cidi ka caawin, isla markaana aanay dawlada dhexe xiitaa wax ku darsan balse ay dawlada hoose isku filnaatay taas oo layaab ku noqotay dadweynaha caasimada oo illa imika is waydiinaya halkay lacagtani ka soo gashay dawlada hoose iyo halkay lacagtani markii hore qaban jirtay,maadaama oo shirkadani lacag farobadan ka qaatay samaynta dhismahaaasi oo xiitaa aanay ku darsan waxba ayaa keentay in su’aashaasi qof kasta iswaydiiyo. Maayarka iyo ku xigeenkiisa ayaan habeen iyo maalinba dul taagna sidii ay dhakhso ugu hirgali lahayd hawshaasi ay bilaabeen, isla markaana u dhamaystirmi lahayd, taasina waxay dhiirigalisay dadwaynihii oo si niyadsami ah u soo dhoweeyey waxqabadka muuqda ee ay caasimadda ka hirgaliyeen. “hore uma arki jirin maayar dadkiisa dhex socda oo habeen iyo maalinba dultaagay, anigu xalay kowdii ayaan ku soo maray maayarka iyo ku xigeenkiisa oo wadada dhex jooga, runtii aad baan ula yaabay siday u shaqaynayaan iyo siday daacada u yihiin”sidaas waxa yidhi muwaadin reer Hargeysa ah oo habeenkii hawshan la bilabay ku soo maray wadadan madaxda dawlada hoose oo la shaqaynaysay shirkadan hawsha wadda.

Maayarka iyo kixgeenkiisa ayaa inta badan lagu arkayey iyagoo mar walba dultaagan, wax kale oo indhahaagu qabanayeen boqolaal dadweynaha ah oo ku soo xoomayey wadada si ay u daawadaan qaabkan cusub iyo qalabkan cusub ee la soo kiraystya u shaqaynayso. “Barigii hore dadweynaha xaafadaha oo lacagta u badan bixin jirtay si ay waddo u helaan ayaan loo samayn jirin waddo raandhiis leh oo dhawr biloodba ku burburi jirtay, laakiin golaha deegaanka cusubi waxay bilaabeen qorshe ay ku dhisayaan waddo waarta oo si fiican loo dhisay, waana waxyaalaha loo baahan yahay”ayuu yidhi Maxamed Jaamac oo ku faraxan qaabka wadadan loo samaynayo.

Si akstaba ha ahaatee, arintani waxay tusaale fiican u tahay inay dhalinyaradu waxqaban karaan haddii xilal loo dhiibo, isla markaana ay awooddooda iyo kartidda ku jirta ku muujinayaan waxqabad muuqda, inta badan waxa markhaati laga yahay in dhalinyarada faro ku tiriska ah ee xukuumadda Sillaanyo hawlgalisay ay qabteen waxyaalo muuqda oo indhaha dadweynuhu arki karaan, waxaana loo baahan yahay hadii la doonayo in wax la qabto in dhalinyaro loo dhiibo, waayo shacabka reer Hargeysa ayaad ka daramaysaa siday ugu bogeen dawlada hoose hawsha baaxadda leh ee ay qabteen, kuwaas oo qaarkood ku doodayey in wadadan loo bixiyo Cabdiraxmaan Soltolco maadaama oo uu yahay masuulkii ugu horeeyey ee waxqabad aanay cidi ka caawin la yimaada, isla markaana dawlada hoose kharashkeedda isku filnaysiyo taas oo inta badan aan dhici jirin. Maayarka iyo ku xigeenkaba waxaan leeeyahay tusaale fiican baad u noqoteen dhalinyarada, waxaanad ku dhiirigaliseen inay dhalinyaradu wax qaban karaan, waxaana idinku dayan doono goleyaasha deeganada degmooyinka Somaliland, waxaanad jeexdeen jid lagu dayan karo, waana hubaa inay bulshadeenu tahay dad iskaga dayda waxa fiican oo magalooyinka kalana idinla tartami doonaan si umadooda wax ugu qabtaan.

Faallo:Barkhad-Ladiif  M. Cumar

Email:barkhadladiif@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland.