|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3295 |
May 21 2013 Rajab 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Heshiiska Ganacsi Ee Ethiopia Waa In Laga Faa’idaysto, Xasan Sheekh-na Wuu Iska Hadlay” Eng. Ahmed Cali Ubaxle “Umadda reer Somaliland waxaan ku hanbalyaynayaa sanad guurada 22 ee xuska maalinta gooni usu taagga jamhuuriyadda Somaliland, waxan ilaahay uga rajaymayaa in sanadka sanadkiisa aynnu ku gaadhno nabad galyo, horumar iyo inaga oo aqoonsi gaadhna. Waxan kale oo umadda reer Somaliland ku bogaadinayaa sida xilkasnimada iyo wada jirka ah ee ay nabadgalyada isaga xilsaareen, waxanna leeyahay waa geesinimo iyo bisayl siyaasadeed oo aad gaadheen inaynnu dabaalddeggii 18 may inoogu dhacay si nabadgalyo ah. Xukuumadda Xasan Sheekh ee Ajanabigu ku ilaaliyo Villa Somaliya, waxan leeyahay “siddi Siddaada mooyee dhul u dhacaaga hubso” , dadka reer Somaliland maha kuwa ku ruxmaya hadalo ka soo baxa sidaada nin aan siyaasadda u laylsamin, waxa ruxayaa maha jibo iyo nacayb adiga ay kuu qabaan midna, hase yeeshee waxa ruxayaa waa turjumadda macaanka xoriyadda iyo sharafta ay dalkooda ugu nool yahiin iyaga oo aan cidna gacmaha hoos dhigan ee iyagu isku tashaday. Ibraahim Buubaa, waxaan leeyahay Bulshada reer Somaliland waxaad ku leedahay taariikh madaw, Hadalkaaguna waxa uu ka midyahay hadaladii aad waligaaba waday ee mansab raadiska ahaa, kuuna shaqayn mayso waayo cid waliba way ka dheregsantahay goblanka aad ka taagantahay siyaasadda. Dawladda Itoobiya iyo go’aanka ay gaadhay ee geesinimada leh waan ku tahniyadaynayaa, Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyana waxan ku boorinayaa inay jaaniskan ka faaidaysato, ay si dhab u dhisaan xidhiidhka dhaqaale iyo kan mileteri ee ay inoogu baaqeen. Meles Sanawi wuxu yidhi “ Waxannu nahay beeralay Buuralay ah” taas oo macnaheedu yahay waxannu nahay qunyar socod Samir badan. Xukuumaddu waa inay bayaamiso ganacsatada iyo bulshada reer Somaliland na ay u soo bandhigto, qoraalada iyo waxii ganacsiga khuseeya ee dawladda Itoobiya la gasho dawladda si ganacsatadu ula socdaan waxii hadba ganacsi ee loo bahan yahay in laga faaiidaysto. Waa in loo diyaar garoobo sidii Dawladdan guunka ah ee inala deriska ah wax loola qabsan lahaa. Xukuumadda waxa looga fadhiyaa sidii ay dekedda u maal galin lahayd si loo kordhiyo awoodda iyo wax qabadka dekedda, ganacsatadana loogu soo dhawayn lahaa si ay halkani marin ugu noqoto Itoobiya iyo gobolada kale ee Soomaliyaba. Xukuumadda Kulmiye waxay ku guul daraysatay inay abuurto Commission (Guddi) madax banaan oo ka shaqeeya sidii dawladdu cashuurtii xaqa loogu lahaa shirkadaha isgaadhsiinta uga qaadi lahayd. Sidoo kale Guddi samaysa xeer lagu dhaqo shirkadaha oo lagu ilaaliyo macmiisha ama xuquuqda isticmaalaha talefanada dalka gudahiisa, ama sida caalamka qiimaha u goysa. Inbadan oo aannu ka soo jeedinay talooyin iyo daraasaad cilmiya oo qaarkood muujinayeen khataraha caruurta iyo Internetka waxa muuqata inay xukuumaddu is ka indha tirtay. Xukuumadda waa inay umadda cashuurta lala baxsanayo u ilaalisaa. Waana inay wada lahaanshaha khayraadka dabiiciga ah iyo sidii loola soo bixi lahaa umadda ka wacyi galiso sharuucda lagu dhaqayaana aanay noqon mid cid gaar ahi diyaarsato. Xoghayaha Arimaha Gudaha WADDANI Eng. Ahmed Cali Ubaxle |