Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3295

May 21 2013                                                                                 Rajab  11,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Waxaanu Uga Digaynaa Wasarada Ciyaruha Inay Iyadu Gacanteeda Ku Fashiliso Habsami U Socodka Tartanka Ciyaraha Gobolada S/Land”

Gudoomiyaha Xidhiidhka K. Kollayga

Hargeysa, May 21, 2013 (Haatuf) - Xidhiidhka Kubbadda Kollayga (SOLPAF) ayaa shalay soo gababeeyey tartan socday mudo 4 casho ah oo lagu xusayay halyaygii kubada kolayga Somaliland Marxuum Maxamed Cali Obsiiye (Calo) kasoo ka socday garoonka wayn ee Tima-Cade Hargeisa Basketball Staduim. Tartankani oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ku guulaystay kooxda heerka labaad ee Ciidanka Asluubta iyadoo ciyaar aad u adag ay iskaga hor yimaadeen kooxda ku ciyaraysay Maxamed Mooge oo soo bandhigtay ciyaar aad u xiiso badan, dadkii daawanayayna aad u qancisay. Kooxdaasi asluubta waxay guushu ku raacday iyadoo keensatay 35 dhibcood, halka kooxda Maxamed Moogana ay ka heshay 29 dhibcood. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Maxamuud Xassan Qodax oo ku dheeraaday taariikhda marxuumka oo uu ku tilmaamay aabihii kubada Kolayga ee Somaliland iyo shakhsiyad wax wayn ka taray halka ay manta kubada kolayga marayso gaar ahaana magalada Hargeysa. “Kooxdii dhawaan kabaaqatay kaqayb galka tartankii bariga iyo badhtamaha Afrika ee kubada kolaygu waxay Somaliland usoo jiiday magac xumo wayn iyo dib udhac dhanka ciyaraha ah iyo waliba iyadoo uu moralkii dhalinyarada ee ahaa hiigsiga kaqayb galka ciyaaro meeqaamkoodu sareeyo uu baaba’ay, waxaana masuuliyada dayaca hawshaa iska leh  Wasiirka dhalinayarada iyo Ciyaraha iyo Mayorka casimada Hargeysa oo kagaabiyay inay sidii ugu haboonayd waajibkooda ugutaan.“Ciyarihiii Somaliland waxay isugu soo urureen 18 cisho ee la qabanayo ciyaraha gobalada oo anay kadanbayn ujeedooyin. Ciyaraha Somaliland waxay marayaan halkii ugu hoosaysay mudo 22 sano ah oo ay Somaliland jirtay. Taana waxaa cadayn u ah in aan xidhiidhadii kubada cagta iyo oradadii aanay shaqayn oo ay wasaradu baabiisay, In aan Somaliland lahayn tartamo (leagues) si lamid ah wadamada aynu jaarka nahay. Madaxwaynaha Somaliland Ahmed Maxamed Silanyo wuu isku dayay inuu si dhab ah wax uga qabto hormarinta ciyaraha balse waxa uu u baahanyahay inuu dhiso Olympikadii iyo xidhiidho shaqeeya oo la jaanqaada nidaamka calamiga ah taas oo keeni karta inay dhalinyaradu ku mashquulaan ciyaro xidhiidh ah sanadkoo dhan waxna katari kara tahriibka sii badanaya.” “Xidhiidhka Kubada kolaygu waa sharci. Xidhiidhka oo kaliya ayaana iska leh mandate ka ah inay tartamo nooc kasta oo ay yihiin fuliyaan. Waxaanu uga digaynaa Wasarada Dhalinyarada & Ciyaruhu inay iyadu gacanteeda ku fashiliso habsami u socodka tartanka ciyaraha gobolada ee kubada kolayga.” Gudoomiyaha Xidhiidhka K. Kollayga, Waxaa isna goobtaa kahadlay Kayse Haybe Higgis oo ahaa qaban qaabiyaha tartankan iyo waliba ardaydii uu macalin Maxamed Cali Obsiiye (Calo) wax baray isagoo si qoto dheer uga sheekeeyey tariikh nololeedkii maclinkiisa kuna amaanay shakhsiyad wax badan u hurtay hormarinta kubada kolayga Somaliland.

Maxamed Huseen Dhabeeye oo ah Gudoomiyaha Kooxda Xidiga cirka ee dhawaan ku gulaysatay tartankii kooxaha heerka kowaad ayaa sheegay inay Somaliland u baahantahay talaabo wax ku ool ah oo lagu hormarinayo ciyaraha dalka, balse aan loo baahnayn kaliya 15 cisho oo ciyaro gobolada ah. Waxaa loo baahanyahay in ugu horeyn la helo dadkii ehelka u ahaa hormarinta dhalinayrada iyo ciyaraha waayo madax meel kasaraysa oo lataabto ma jirto. Hadanay hogaanka sare ciyaruhu ka hagaagina, xaga hoose ma hagaagayso.