|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3295 |
May 21 2013 Rajab 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Cilmi Baadhis Ay Samaysay Jaamacada Oxford Oo Shaacisay In 2031 London Lagaga Tira Badnaan Doono Dadka British-ka Ah Dadka Ajnabiga ah ee soo galay dalka Britain ee ku nool Caasimada London ayaa la sheegay inay kor u dhaafi doonaan 20 sano gudahood dadka u dhashay dalkaasi, sida ay shaaca ka qaaday cilmi baadhis cusub oo shalay la soo bandhigay. Tirada dadka degan ee ku dhashay meelaha ka baxsan dalkaasi ayay daraasadu sheegtay inay 54% ay kor u kici doonaan tobanka sano ee soo socda, iyadoo dadka Britishka dhaladka ah ay hoos u dhici doonaan hal boqolkiiba (one per cent). Balse hadii isbedelka tiradu ay isku mid noqoto, sanadka 2031 London ayaa waxa ku noolaan doona 7.11 Milyan oo Ajnabi ah iyo 5.07 Milyan oo British dhalad ah.Qiimayntan, oo ay xisaabisay barta The Sun, ayaan loo qaadan Karin in lagu xisaabiyo is bedel kasta oo suuragal ah oo siyaasada dawlada ama sababo dibada ka yimaada sida dagaalo ka dhaca wadamada dibada. Dadka u soo haajiray London, ee degan ayaa imika lagu sheegay inay dhan yihiin 37%, iyagoo kor uga soo kacay 27% oo ay ahaayeen sanadkii 2001. Isbadalkan ayay daboolka ka qaaday qaybta la socota dadka soogalootiga ah ee jaamacada Oxford, taas oo sahamin ama rayi ururin ay qaaday ka soo saartay Macluumaadkan. Waxa ay yihiin dadka u dhashay UK 5.17 Milyan ee degan London, waxaanay ahaayeen sanadkii 2001-dii 5.23 million oo qof. Dadka Socdaalaa tobankii sanadood ee u dambeeyey waxa ay u dhoofayeen wadamada Yurubta bari ee ku biiray EU. Dadka soo galay Ingiriiska waxa ay kor u qaadeen 13% Bulshada UK, iyagoo ka dhigtay in 7.5 Milyan ay ku noolaadaan England iyo Wales. Waxaana 40 boqolkiiba ay ku nool yihiin London, sida ay daraasad ku ogaatay waaxda la socodka dadka soo galootiga ah. Caasimada Ingiriisku waxa ay korodhay boqolkiiba 14 tobankii sanadood ee ku u dambeeyey iyagoo ka bilaabmay 7.17 Milyan gaadhayna 8.17 Milyan. Koox la yidhaa Migration Watch UK ayaa sheegay inay hoosta ka xariiqeen baaxada waxyeelo ee ay ku yeelan karaan bulshadooda soo galooti tiro badan oo dalkooda ku soo qulqula”. |