|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3295 |
May 21 2013 Rajab 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Haweenay Khiyaano Ku Heshay Qaadhaan Ka Badan 20,000 Dollar Haweenay lagu magacaabo Loori Sitiinii oo dhashay labo caruur ah ayaa samaysay khiyaamo ay ku doonayso in ay ku hesho lacag aad u badan oo gaadhaysa ilaa labaatan kun oo doolar oo loogu qaadhaamo. Haweenaydan ayaa ku baahisay barta bulshada ee Facebook-ga in ay halis ugu jirto nafteedu Cudurka Kansarka oo ay doonayso in lacagtaas aadka u badan loogu deeqo si ay wax ugaga qabato xaaladeeda caafimaad. Hooyadan labada caruurta leh ayaa arintan ku doonaysay inay ku hesho hanti aad u badan, iyadoo soo samaysatay warqadaha dhakhaatiirta oo ay ku been abuuratay oo ay si faalsa ah u samaysay. Hase yeeshee Maalin ayaa si kedis ah waxa loogu kexeeyay Cusbitaal si looga daweeyo cudurka ay halista ugu irto, balse markii la baadhay ayaa la ogaaday in aanay qabin kansarka ay sheeganayso iyadoo xabsi loo taxaabay arinteedii ay lacagta ku heshayna ay usoo jiiday xabsi iyo dhibaato badan. |