Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3295

May 21 2013                                                                                 Rajab  11,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Lionel Messi: Marnaba Kuma Fekerin Inaan Ka Tago Barcelona

Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa mar kale ku celiyay inuusan marnaba ku fekerin inuu ka dhaqaaqo Camp Nou oo uu ku biiro koox kale oo weyn. Ciyaaryahanka afarta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa ku biiray akadeemiga kooxda Catalans sannadii 2000, waxaana uu ku guuleystay seddex Champions League iyo lix La Liga tan iyo markii uu kooxda koowaad u ciyaaray 2003dii. Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id uu ku qabtay Qatar, 25 jirkaan ayaa sheegay in maskaxdiisa aysan marnaba ku soo dhicin in Blaugrana uu ka tago. “Marnaba kuma fekerin inaan ka ciyaaro meel kale oo aan aheyn kooxdaan” ayuu u sheegay suxufiyiinta. Barcelona ayaa wadada u saaran inay barbareyso rikoorka 100ka dhibcood ee La Liga ee ay xilli ciyaareedkii hore dhigtay Real Madrid.“Inaan horyaalka qaadno waa wax aad u fiican inkastoo hamigeena uu yahay inaan ku guuleysano wax walba.” ayuu hadalkiisa raaciyay.“Bayern waa ay inaga fiicneyd sannadkan, haatan waa inaan isku diyaarino sannadka soo socda.”