|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3295 |
May 21 2013 Rajab 11,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Kooxaha 17-May Iyo Waayo-Arag Oo Ciyaar Xus Ah U Sameeyay Sanad Guuradii Koowaad Ee Geeridii Ciyaartoyda Sadaam Iyo Siidhi Oo Ka Tirsanaa 17-May Kooxda kubada cagta ee Waayo-Arag iyo kooxda 17-May ayaa shalay fooda isku daray garoonka kubada cagta ee 31-ka may ee magaalada Hargeysa. Ciyaartan oo ahayd xus loo sameeyay ciyaartoy hore uga tirsanaan jirtay kooxda 17-may oo geeriyootay sanad ka hore Sadaam Xasan Cabd (Raan) iyo Axmed Quraysh (Siidhi). Kulankan labada kooxood fooda isku dareen oo ay si gaar ah usoo abaabuleen maamulka iyo ciyaartoyda kooxda 17-ka May ayaa ku bilaabantay jawi xasiloon oo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar degan. Qaybtii hore ee ciyaarta waxa laba gool ku horumartay kooxda kooxda 17-may waxana labada gool u saxeexay ciyaartoyga weerarka uga ciyaara ee Shabcaan. Qaybtii hore ee ciyaartana waxa lagu kala nastay laba gool iyo eber ay hogaanka ciyaarta ku hayso kooxda 17-may. Markii lagu soo laabtay qaybii labaad ee ciyaarta kooxda Waayo-Arag ayaa ka faa’iidaysay kubad laaga xorta ahayd oo loo dhigay waxana gool u badalay Gabyaaye, ciyaartiina waxa ay noqotay laba gool iyo gool. markii la galay Shantii daqiiqo ee ugu danbeeyay ciyaarta ayaa ciyaartoyga da’da yar ee Maxamed Jufo, oo badal kusoo galay ciyaarta uu saxeexay goolkii afraad ee ay hesho kooxda kooxda 17-may, guud ahaana ciyaartii waxa ay ku dhamaatay sadex gool iyo hal ay guushu ku raacday kooxda kooxda 17-may. Labadan ciyaartoy oo geeriyooday sanadkii hore iyaga oo kala geeriyooday habeen iyo maalin isku xiga ayaa ka wada tirsanaa kooxda 17-may oo ku magac dheer Ac Milan Kana dhisan degmada IB/Koodbuur. Tababaraha kooxda 17-May Maxamed C/laahi Daahir (Mo Nasir) ayaa ka warbixiayay sooyaalkii taariikheed ee ay kooxda ku lahaa labada ciyaartoy ee kooxda ka baxay Sadaam Xasan Cabd (Raan) iyo Axmed Quraysh (Siidhi). Isaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Sadaam kooxda waxa uu ku soo biiray dabayaaqadii 2004-tii, waxana uu lasoo qaatay taariikh wax ku ool ah, isaga oo kula guulaystay dhowr koob oo kala duwan sidoo kale Sadaam waxa uu kamid ahaa ciyaartoydii Gobolka Gabiley ee ka qayb galay tartankii koobkii Gobolada Somaliland ee Burco ka dhacay, dhanka kale waxa uu ka mid ahaa kooxda Ciidanka Booliska ee (Goodir). Axmed Quraysh (Siidhi) kooxda 17-may waxa uu ku biiray horaantii 2012-kii, isaga oo kooxda kala qayb galay tartamo badan oo dhacay isla sanadkii 2012-kii. Kulankii ugu dabeeyay ee uu kooxda u saftaa waxa ay ahayd afar dhamaadkii tartan ka qabsoomay Garoonka Xawaadle oo kooxdu ku guuldaraysatay Ciyaartii Finalka. |