Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3296

May 22 2013                                                                                 Rajab  12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Safiir Midawga Yurub U Qaabilsan S/Land Iyo Somalia

“Waxaanu Ka Wada Hadalnay Guud Ahaan Cilaaqaadka Ka Dhaxeya Midawga Yurub Iyo S/Land, Waxa Kale Oo Kulankaas Lagu Soo Qaaday Hindise Cusub” Dr Maxamed C/laahi

Hargeysa, May 22, 2013 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Michele Cervone d’Urso. Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo kulankaas ka dib Warbaahinta uga waramay nuxurka kulankaas ay Madaxweynaha iyo safiirkaasi wada yeesheen ayaa waxa sheegay inay ka wada-hadlaan labadaas masuul arimo door ah, kuwaas oo uu ka xusay sida uu noqon doono Xidhiidhka Somaliland iyo Midawga Yurub iyo qaabka ugu fiican ee ay Mustaqbalka u wada shaqayn doonaan, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Waxa maanta Booqasho Somaliland ugu yimid Safiirka Midowga Yurub ka socday oo la yidhaahdo Michele Cervone d’Urso, waxaanan ka wada hadlanay guud ahaan cilaaqaadka ka dhaxeeya midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. Waxa kale oo aanu maanta ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u isticmaali doono oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba uu midowga Yurub ka caawiyo”. Dr Maxamed C/laahi oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Waxaanu ka wada hadalnay mabaadiida guud ee Midowga Yurub iyo xukuumadda Somaliland ay ku wada shaqaynayaan. Sidoo kale Waxaanu xukuumad ahaan ku faraxsan nahay sidii horeba caadada u ahayd in midowga Yurub uu si toos ah ula shaqaynayo dawladda Somaliland. Sida dalalka kale ee yuruba ay noola shaqeeyaan. Wixii muwaacimo ah ee la ina siinayaana ay ku dhisnaan doonto qorshaha qaran ee dalkani (Somaliland) leedahay. Arrimahaasi si wanaagsan oo balaadhan baanu iskugu afgaranay”. dhinaca kale, danjire Michele Cervone d’Urso oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu madaxweynaha uga mahad celinayo sidii ay iskugu afgarteen iskaashiga Somaliland iyo Midowga Yurub sadexda sanadood ee soo socda. Safiirku waxa uu sheegay in mashaariicda ay ka fulinayaan Somaliland loo hirgelin doono hadba sida ay baahiyaha dalka ka jiraa u kala mudan yihiin.