Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3296

May 22 2013                                                                                 Rajab  12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mid Ka Mid Ah Xildhibaanadii Beesha Ciise Uga Soo Baxay Saylac Oo Hore Isku-Casiley Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Noqday Go’aankiisii

Hargeysa, May 22, 2013 (Haatuf) - Xildhibaan Siciid Muuse Ibraahim oo ka mid ahaa 7-dii Mudane Degmadda Saylac uga soo baxay beesha Ciise ee iyagu hore iskaga casiley xubinada golahaas ayaa ku dhawaaqay inuu ka noqday go’aankiisaas hore, kaas oo xusay ka dib markii uu la tashaday bulshadii soo dooratey inuu go’aankaas qaatey, isla markaana uu la xidhiidhay Maamulka degmadaas oo iyaguna ka aqbalay dib u soo noqoshadiisa. Xildhibaan Siciid Muuse oo isagu ka soo baxay Ururkii doorashadda deegaanka ku hadhay ee Xaqsoor ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Wargeyska Haatuf  khadka telefoonka kula xidhiidhay isaga oo degmadda Saylac ku sugan, kaas oo sabab uga dhigay go’aankiisaas wada-tashi uu arintaas kala sameeyey bulshadii soo dooratey, kaas oo xaqiijiyey inuu waajibaadkii loo doortey u bilaabi doon sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana tilmaamay inuu rajaynayo in Xildhibaanada kale ee ay isku beesha yihiina ay qaataan go’aankiisaas oo kale. Sidoo kale Duqa degmadda Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo aanu Xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay, waxna kaga waydiinay arimahaas ayaa Haatuf u xaqiijiyey inay arintaasi jirto oo uu Xildhibaan Siciid Muuse Ibraahim uu soo gaadhsiiyey go’aankiisaas dambe, isla markaana ay ka aqbaleen inuu dib ula midoobo golihii uu ka tirsanaa.

Maayarka Saylac Xuseen Iidle waxa uu sheegay inuu Xildhibaan Siciid ka mid ahaa Xildhibaanadii dhaarta Distuuriga ah maray, markii danbena is-casiley, kaas oo tibaaxay inuu rajaynayo in Xildhibaanadda kale ee ka maqan golahoodu inay maraan jidka Xildhibaan Siciid Muuse oo uu ku tilmaamay inuu qaatey go’aan geesi-nimo leh. Xuseen Iidle waxa kale oo ka hadlay qaabkii deegaanka Saylac looga xusay Munaasibadii 18-kii May, kaas oo ku dooday inay xuskii iyo debaal-degii ugu waynaa ee ubid ka dhaca deegaankaas inay sanadkan ka qabteen Magaaladda Saylac. Ugu horayna Xildhibaan Siciid Muuse oo ka hadlaya go’aankiisa cusub, waxa uu si kooban u yidhi “Waa run warkaasi oo waan ka noqday go’aankii aan hore iskugu casiley, waxaanan go’aankaas qaatey markii aan la tashaday dadkii i soo doortey, isla markaana waxaan xidhiidh la sameeyey maamulka degmadda Saylac oo aan u gudbiyey arintaas run ahaantiina way iga aqbaleen golaha deegaanka Saylac inaan soo noqdo, sida ugu dhakhsaha badana waan u hawl-galayaa Insha Allaah”. Xildhibaan Siciid Muuse isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaan hore uga mid ahaa Xildhibaanadii dhaartey ee dheertii Distuuriga ahayd hore u fuliyey, isla markaana imika dib ayaan uga noqday go’aankii is-casilaadayda, waxaanan rajaynayaa inay Xildhibaanada kale ee aanu isku beesha nahayna ay qaadan doonaan go’aankaas oo kale oo ay iyagu dib golaha ugu soo noqon doonaan oo ay u gudan doonaan waajibaadkii loo doortey”.

Dhinaca kale Duqa Degmadda Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo aanu wax ka waydiinay aragtiisa la xidhiidha soo noqoshada Xildhibaankaas iyo waxa guud ahaan ka jira go’aanka Xildhibaankaasi, waxa uu yidhi “Waanu ku faraxsanahay oo waanu soo dhawaynaynaa Xildhibaankaas dib golaha ugu soo noqday, run ahaantiina aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, waxaananu rajaynaynaa in Xildhibaanadda kale ee Walaalahayo ah ee hore u iclaamiyey inay iska casileen golaha deegaanka degmadda Saylac inay dib noogu soo noqdaan Insha Allaah. Waxaanay arkeen Saaxiibadayo sida ay hawshu u socoto oo inta hadhay ay hawshii loo doortey ay u waddo markaa aad ayaanu ugu faraxsanahay inay si bilaa turxaan ah noogu soo noqdaan Walaalahayaga Xildhibaanadda aanu isku nahay”. Xuseen Iidle Barkhadle mar la waydiiyey inay Xildhibaankaas golle ahaan iyagu xidhiidh la sameeyeen iyo in kale, waxa uu yidhi “May anagu wax xidhiidh ah oo aanu la samaynay ma jirto, Xildhibaankan saaxiibkayo-na marka horeba wuu gaabsaday oo waxa uu ahaa nin fahansan sababta loo doortey, isla markaana beel ahaan ayuun buu isagu marka horena u diidanaa inuu golaha ka mid noqdo oo kumuu jirin Xildhibaanadii iyagu Ethiopia tagay oo waxaabu ka mid ahaa Xildhibaanadii loo dhaariyey golaha ee dhaartii ku waajibka ahayd maray, waxaanu iska fadhiyey meeshii laga soo doortey, qolada kale laakiin meelo badan ayey mareen oo Hargeysa iyo Boorama iyo meelo kaleba way soo mareen oo xataa Wasiirka Arrimaha Gudahana way u tageen iyaga oo uu hogaaminayo Badhasaabka gobolka Salal laakiin nasiib wanaag hadana waxba iskamay badalin oo wixii la isla qaatey waxay ku xidheen oo ay yidhaahdeen waxbaa naga maqan iyaga oo shuruud uga dhigaya arintooda odayaasha ku xidhan Magaaladda Boorama, si kasta oo ay tahayna waxaan filayaa iyagu qudhoodu ma sii dheera oo way soo socdaan”. Isaga oo hadalkiisa sii wate Maayarku isla markaana ka hadlaya rajada ay ka qabaan inay soo noqdaan Xildhibaanada kale ee golahooda ka maqan, waxa uu yidhi “Waxa la yidhaahdaa sida la ogyahay hal nin oo kaliya oo fal-dambiyeed ku eedaysan mooyaane Xildhibaanadda kale oo dhami waa u diyaar inay soo noqdaan, waxaananu arintaas rajo ka qabnaa 100% waayo cadh-ceed sacabka laguma qarin karo oo qofkastaa xaqiiqada wuu  ogaanaya, Xidlhibaankan soo noqdayna markaanu waraysanay waxa uu nagu yidhi waxaan go’aankan qaatey markii aan la soo tashaday dadkii i soo doortey ilayn Ciise wayne imuu soo wada dooranin anigee waxaanu isku qancinay inaan shaqadii ku noqdo oo aan waajibaadkii la ii doortey soo guto, run ahaantiina waanu ku faraxsanahay go’aankaas geesi-nimada leh ee uu qaatey Xildhibaankaasi”. Duqa Saylac Xuseen Iidle mar aanu waydiinay Xildhibaankaas uu carabka ku dhuftay ee la laayahay fal-dambiyeedka uu ku eedaysan yahay, waxa uu yidhi “Xildhibaankaas waxa lagu eedeeyey dilkii ka dhacay Xariirad oo waa la laayahay oo Ciidamada Bilayska iyo Maxkamaduba way raadinayaan, markaa Xildhibaankaas dhacdadaasi lala xidhiidhinayo mooyaane inta kale oo dhami way joogaan oo waanu wada xidhiidhnaa, isla markaana aad ayaanu u kaftanaa, isla markaana Magaaladda ayey nala joogaan”.isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Waxay ii sheegeen oo ay shuruud uga dhigeen soo noqoshadooda arinta Xariirad, waxaanay yidhaahdeen ilaa inta qiil loo helayo dhacdadii Xariirad ee Odayaasha u xidhan la soo daynayo ayaanu yar eegaynaa ayey yidhaahdeen”. Xuseen Iidle Barkhadle mar uu ka hadlayey Xuskii 18-ka May iyo sidii looga xusay deegaanka Saylac, waxa uu yidhi “Alxamdulilaah aad ayaanu ugu faraxsanahay shucuubta ay muujiyeen guud ahaan bulshadda Somaliland oo dhami ee ay ku wayneeyeen maalinta Qaranimadooda. Waxaan filayaa inaad kala socoteen shaashada sidii aanu u xusnay 18-kii May, waxaanan qabaa anigu inaan wali sidii doorkan oo kale looga xusin degmadda Saylac, run ahaantiina meelo badan ayaa nalaga soo tahniyadeeyey sida aanu u xusnay maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka May, gobol ahaan hadii aanu eegnana waxaan isleeyahay Saylac ama numberka 2-aad ayaanu noqonaynaa ama ka 3-aad sida aanu u xusnay 18-kii May. Waxaanay qorshahayagu ahaa inaanu Caalamka tusno sida ay bulshaddayada uga go’an tahay gooni-isku taaga Somaliland ee aanu marnaba gorgortanka u galaynin, dabaal-degii sanad-guuradii 22-aad ee Somaliland ee Saylac waxa uu xaqiiqdii ahaa dhacdo aan looga baranin in ilaa heerkaas loo xuso oo loo wayneeyo, waanan uga mahad celinayaa cidkasta oo dareenkeeda ku muujisay xuska 18-ka May”. Isaga oo hadalkiisa sii wata Maayar Xuseen isla markaana ka hadlaya waxyaabaha u qabsoomay mudadii golahooda cusub, waxa uu yidhi “Xaga Waxbqabadka hadii aan waxyar ka taa-taabto,waxa ka muuqda degmadda Saylac waxqabad 100% ah oo aanan halkan ku soo koobi karaynin, waxaanan jeclahay inaanu arintaas u dayno dadka aan maamulkayaga ahayn ee meelaha kale ka yimid ama bulshada rayidka ah ka mid ah oo xaqiiqatan ka markhaati ah ilaa heerka uu gaadhsiisan yahay waxqabadka mudadii aanu joognay aanu ku talaabsanay. Hadiise aan waxyar ka taataabto waxa gabo-gabo ku dhaw dayr 120mtr ah oo aanu xarunta dawladda hoose ee Saylac aanu ku soo wareejinay, isla markaana Madarasad dugsi quraan ayaanu ka hirgalinay meesha la yidhaahdo Toqoshi ayaa iyaduna gabo-gabo ku dhaw, isla markaana waxa aanu nadiifinay Degmada dhamaanteed oo qashin aan waligii laga gurin ayaanu ka idlaynay oo aanu ka nadiifinay, waxa kale oo jira waxqabadyo kale oo badan oo iyaguna dhawaan la hirgalin-doono Insha Allaah. Waxaan xasuustaa oo aan hal-hays u lahaan jiray wakhtigii ololaha oo aan odhan jiray ‘Hooyo waliba waxay leedahay caano ku filan ilmaheeda, degmo walbana waxay leedahay dhaqaale ku filan horumarkeeda, markaa inkasta oo aanay degmooyinku isku itaal ahayn hadana degmooyinku, hadana degmo kasta intii itaalkeeda ah wax way qabsankartaa, isla markaana anagu intii awoodayadu saamaxdo waanu samaynaynaa”. Xuseen Iidle mar uu ka hadlayey Mashruuc waddo 22 Km ah oo ay dhawaan ka hirgalinayaan Degmadda Saylac, waxa uu yidhi “Maadaama oo ay Magaaladda Saylac go’doon ahaan jirtay waxaanu qorshaynay inaanu is kaashano anaga iyo hay’adda Horumarinta Wadooyinka ee Road Development Authority iyo Hay’adda USAID inaanu dhawaan bilawno Waddo Jid cade ah oo 22 Km ah oo Magaaladda dhinaca Waqooyi uga baxda. Markaa Mashruucaas xaga talooyinka waxa gacan ka gaysanaysa hay’adda wadooyinka inoo qaabilsan waxaan iyadna aan arinta ka maqnayn sida aan soo sheegay Hay’adda USAID oo noo keentey lacag qadarkeedu dhan yahay $90,000 laakiin lacagtu intaas aad ayey uga badan tahay, waxaanan jecelnahay isla marka aanu bilawno jidkaas inaanu u bandhigno cidkasta oo Ehlu-khayr ah oo ka qaybqaadanaysa dhismaha jidkaas oo ah runtii mid aad u mihiim ah”.