|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3296 |
May 22 2013 Rajab 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Wafti Qaran Loo Diro Munaasibada Xornimada Jabuuti, Lana Xoojiyo Xidhiidhka Labada Dal Hargeysa, May 22, 2013 (Haatuf) – Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa dawlada Jabuuti hambalyo iyo bogaadin uga diray waftigii ay usoo dirtay ka qaybgalka xuskii 22 guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland ee 18-May, tilmaamayna in talaabadaasi ay muujnayso xidhiidhka walaalnimo ee ka dhexeeya shacabka labada dal Somaliland iyo Jabuuti. Suldaan Ibraahim Jamac Samatar waxa kale oo uu ugu baaqay xukuumada Somaliland in wafti heer qaran ah loo diro munaasibada xornimada Jabuuti ee la xusi doono 27-ka bishan June, lana xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti. Suldaanka oo ka mid ahaa salaadiintii dhawaan waftiga reer Jabuuti ku so dhawaysay gobolka Gabiley ee casuumada loogu sameeyay oo shalay wargeyska Haatuf uu wax ka waydiiyay waftiga dawlada Jabuti ee xuska 18-ka may dalka u yimid ayaa waxa uu yidhi “Wftiga dawlada Jabuuti ee dalka u yimid ka qaybgalka xuska 22 guurada ka soo wareegtay gooni isku taaga qaranimada Somaliland ee xuska 18- may oo iskugu jira wasiiradii hore ee warfaafinta, gaashaandhiga iyo xubno baarlamaanka ka tirsan waxay talaabadaasi cadaynaysaa xidhiidhka walaalnimo ee ka dhexeeya shacabka Somaliland iyo Jabuuti oo ah dad dhal iyo dhasheed ah, oo aan kala maarmin” Sudlaanka oo aanu waydiinay sida uu u arko in Somaliland wufud u dirto ka qaybgalka munaasibada xornimada dalka Jabuuti, waxa uu yidhi “Maadaama ay dawlada Jabuuti wafti usoo dirtay xuska 18ka May waa waajib in munaasibadaha dalkooda laga xusayana aynu kala qaybgalnaa, sidaa darted waxaan xukuumada Somaliland ugu baaqayaa in wafti heer qaran ah oo iskugu ijra wasiiro iyo madaxdhaqameedyo loo diro maalinta xornimada Jabuuti ee la qaban doono 27-ka June 2013-ka, xidhiidhka labada dal ka dhexeeyana la si xoojiyo” |