|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3296 |
May 22 2013 Rajab 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Cuqaasha Beesha Ciise Oo Sheegay In Raashinkii Mucaawinada Ee Degmada Lughaya La Keenay Aan La Gaadhsiin Deegaanadooda, Kuna Eedeeyay Badhasaabka Awdal Hargeysa, May 22, 2013 (Haatuf) – Caaqil Bayle Xasan Diiriye oo ka mid ah cuqaasha gobolka Selel ayaa sheegay in raashinki mucaawinada ahaa ee dawlada Turkigu ay dhawaan keentay Somaliland aan gebi ahaanba la soo gaadhsiinin deegaano badan oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal, kaasoo ku eedeeyay arrintaasi inay masuul ka yihiin badhasaabka gobolka Awdal iyo maamulka degmada Lughaya. Caaqil Bayle Xasan oo shalay khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Haatuf isagoo ku sugan degmada Lughaya, ayaa sidoo kale sheegay in cabashadaasi oo ay usoo gudbiyeen madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha gudaha ay dhagaha ka furaysteen, isagoo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ugu baaqay inuu jawaab degdega ka bixiyo arrimahaasi.Caaqil Bayle isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Raashinkaa nagu maanu arag marka laga soo bilaabo laan-xabaala, Karuure, beeyo kulul, damasha, deegaanadaas oo ka mid ah degmada Lughaya wax la soo gaadhsiiyay ma jiraan, waxaanu ku eedaynaynaa arrintaasi badhasaabka gobolka Awdal, maamulka degmada Lughaya, haday tahay madaxweyne ku xigeenka iyo haday tahay wasiirka arrimaha gudaha, arrimahaasna waanu u sheegnay dhagaha ayaanay ka furaysteen, wasiirka arrimaha gudahana waxaanu ugu baaqaynaa inuu jawaab degdega naga soo siiyo deeqda laga qadiyay deegaanadaasi” |