|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3296 |
May 22 2013 Rajab 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Aan Hadal Hayn Samaynta Shuruucdii Lagu Soo Dooran Lahaa Iyo Xeer Hoosaadkii Ay Ku Wada Shaqayn Hargeysa, May 22, 2013 (Haatuf) – Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland oo aan hadal hayn samaynta shuruucdii lagu soo dooran lahaa iyo xeer hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen ayaan ilaa hada lahayn xeer hoosaad ay ku wada shaqeeyaan, taas oo dhawr jeer oo ay guddiyo u saareen labada gole curinta xeer hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen ay ku guldaraysteen. Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland wakiilada iyo guurtida oo ah golayaasha xeer dajinta ayaan ilaa hada la ogayn asbaabta ay uga indho qarsanayaan samaynta xeer hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen, kaas oo distoorka qarankuna dhigayo in labada gole ay samaystaan xeer hoosaad ay ku wada shaqeeyaan. Dhinaca kale labada gole ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale ku guldaraystay inay sameeyaan xeerarkii doorashooyinkooda oo ilaa hada aanay samaysnayn shurucdii lagu soo dooran lahaa golayaasha cusub ee badali lahaa, arrintaas oo keentay muddo kordhinaha sanadaha badan ee golayaashooda xeer dajintu ay ku tanaadeen shuruucdaasi maqan, oo caqabad ku noqday qabsoomida doorashooyinkii golayaasha xeer dajinta oo markii labaaad dibu dhac ku yimid.Golaha guurtida oo horaantii bishii April 2013-ka muddo kordhin laba sanadood iyo dheeraad ah qalinka ugu duugay markii labaad golaha wakiilada ayaan ajandahooda kalfadhiga 50aad aan meelna kaga soo darin sidi shuruucda qabyada ah ee doorashooyinkooda loogu hawl gali lahaa, taasoo wakhtigan xaadirka ah aanay labada gle aanay hadal haynba samaynta xeerarkii lagu soo dooran lahaa golayaashii badali lahaa, taas oo u muuqata inay labada gole dajinta shuruucda ay ka door bidaan in muddo kordhin uun ay ku jiraan. |