|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3296 |
May 22 2013 Rajab 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Duufaanta Tornado Oo Cagta Marisay Magaalada Oklahama Ee USA Iyo Khasaaraha Dhimasho Oklahoma, May 22, 2013 (W.Wararka) - Duufaan xoog leh ayaa ku dhufatay magaalada Oklahoma, duufaantaasi oo ah nooca Tornado loo yaqaan ayaa burbur baaxadleh u geysatay guryaha iyo gaadiidka magaaladaasi, taas oo ugu yaraan 90 qof ay ku dhinteen duufaantan oo goobaha ay burburisay ay ku jiray iskuul-hoose oo ay ku dhinteen 21 caruur ah. Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalada Oklahoma si gurmad loogu fidiyo dadka khasaaruhu kasoo gaadhay duufaantan oo si kadis ah shalay gelinkii dambe ku habsatay magaalada Oklahoma oo kamid ah goobaha dalka Maraykanka oo ay inta badan ka dhacaan duufaanta loo yaqaan Twister ama Tornado. Shacabka ayaa heystay digniin 16 daqiiqo ah ka hor intaan duufaanta soo cago dhigan magaalada Oklahoma, taasi oo keentay in dad badan fursad u waayeen inay u baxsadaan goobaha guryaha hoostooda ah oo ay kaga dhuuntaan duufaantan xooga badan. |