|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3296 |
May 22 2013 Rajab 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
UCID Oo Cambaareeyay Faragalinta Siyaasadeed Ee Dawlada Somalia Ku Hayso S/land Hargeysa, May 22, 2013 (Haatuf) - Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay faragalin siyaasadeed oo dawlada Somalia ay ku hayso Jamhuuriyada Somaliland, kaas oo sheegay in hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somalia uu muujinayo khiyaamada dawlada uu ka tirsan yahay ay kula jirto qodobadii shirkii Ankara lagu kala saxeexday. Xisbiga UCID waxa uu sidaasi ku sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xuseen Xasan Badmaax oo ah Ku-xigeenka arrimaha gudaha, ee Xisbiga UCID. War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan:-Xisbiga caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxa uu u taaganyahay ilaalinta jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, fulinta go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Waxa aanu si aad ah u cambaaraynaynaa fara-gelinta iyo xad-gudubka siyaasadeed ee joogtada ah ee ay dawlada Somaliya ku hayso Jamhuuriyada Somaliland. Hadalka ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliya waxa uu muujinaya khiyaamada ay dawlada uu ka tirsanyahay kula jirtay qodobadii ka soo baxay shirkii Ankara, waxaanu leenahay dawlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh waanu garanay ula jeedada aad ka lahaydeen wadahadaladii inoo socday inaad midnimo muusaysan hoosta ka wadeen. Waxa aanu leenahay joojiya riyada aad ku jirtaan, kuna laabta xaqiiqada ah inay dalka iyo hawada Jamhuuriyada Somaliland midna aanay ka mid ahayn Somaliya, nahayna laba dal oo jaar ah”. |