|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3296 |
May 22 2013 Rajab 12,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Isticmaalka Badan Ee Telefoonka Gacanta Oo La Ogaaday In Uu Sababo Cudur Halis Ah Ku-Hadalka-telefoonka1Isticmaalka badan ee telefoonnada gacanta ayaa la xaqiijiyey inuu sababo xannuunka dhiig-karka oo keenay inay hadallo qallafsan isweydaarsadaan dadka moobillada ku wada xidhiidha, siday sheegtay cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen dhakhaatiir Talyaani iyo Maraykan ah. Cilmi-badhayaashu waxay heleen in ku hadalka telefoonka kor u qaado xawliga dhiigga, kadibna garaaca wadnuhu bato, sidaasna qofka ku qaado dhiig-kar halis ah. Daraasaddan oo 12 jeer dhiig-kar laga cabiray 94 bukaan oo qaba cudurkan, waxa lagu ogaaday inay cudurkaas ka qaadeen telefoonka oo dhibaatooyin looga sheegay amma ay qof kale isku waydaarsadeen hadallo aan munaasib ahayn. Dadka cilmi-baadhistan lagu tijaabiyey oo celcelis ahaan da’doodu tahay 53 jir, waxa badankooda si raaxo leh loogu fadhiisiyey kursi, kadibna waxa la taliyey dhakhaatiir, iyadoo lagaga tegay qolalka kelidood, dabadeedna waxa laga qaaday baadhitaankii ugu horreeyey ee xawliga dhiiggooda, kadibna cilmi-badhayaasha ayaa telefoon u diray dadka bukaanka ah ugu yaraan saddex jeer, waxana natiijada soo baxday ay noqotay in dadkii telefoonka loo diray qaar badan oo ka cadhooday uu dhiiggoodu xoog u kacay. Ururka Dhakhaatiirta Wadnaha Maraykanka, ayaa tilmaamay in dadka waaweyn ee telefoonnada isticmaalaa uga halisaysan yihiin dhallinyarada qaadista cudurka dhiig-karka, waxaanay khubaradu sheegeen in qofka 30 telefoon wax ka badan maalintii garaca inuu halis ugu jiro in dhiig-kar ku dhufto. Dadka waayeelka ah way uga halisaysan yihiin da’yarta inuu ku dhaco cudurka dhiig-karku, sababtoo ah telefoonka badan wuxuu ku keenaa dadka waaweyn in ay cadhoodaan, isku buuqna ku furmo, taasina u horseedo dhiig-kar.Sidaa waxa yidhi Dr. Giuseppe Crippa oo ka tirsan cusbitaalka la yidhaa Walliam of Saliceto Hospital oo ku yaal dalka Talyaaniga. |