Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3296

May 22 2013                                                                                 Rajab  12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Daraasad Daboolka Ka Qaaday Dhibaatooyinka Maskaxeed Ee La Soo Darsa Caruurta Waalidkood La Qaata Wax Ka Yar Saacad Maalintii

Daraasad ay samaysay Naadiga Assocham Ladies League (ALL) ayaa muujisay in ka badan 65 boqolkiiba caruurta iyo dhalinyarada da’doodu u dhaxayso Sideed jir ilaa 24 ee hela wax ka yar hal saac inay agjoogaan waalidiintood ay, ay la soo daristo xaalado dhalaankaasi u horseeda inay noqdaan kuwo gooni socod ah oo aan dadka soo dhexgalin, mar kasta cadhoonaya oo aan haba yaraatee wax dulqaad ah lahayn. Ayay Daraasadu sheegtay. Waalidiinta guryahooda u hoyda xiliyada dambe ee habeenkii, kalahana xiliyada hore ee subaxdii ayaa la sheegay in cawaaqibkeedu yahay inuu xoogaysto khilaaf iyo mushkilado tiro badan oo ka jira qoysas badan, mana jiro qof daryeeli kara caruurta hadii uu habsankaasi uu joogteeyo, ayay daraasadu intaa ku dartay.

Madaxa Naadigan Assocham Ladies League (ALL) oo la yidhaa Harbeen Arora ayaa tidhi “marka ay dhacaan khilaafka iyo dayacaada oo ka timaada sababo dhawr ah, waxaanu u tixgalin siinaa in qaybo badan ay nagala soo qaybgalaan si aanu arintan ugala hadalno. In la dabaqo oo laga jawaabo cabashooyinka iyo arrimaha ay dhibaneyaasha u yihiin waxa ay uujiyaan xamaasad iyo taageero, bulshada rayidka ahina waxa ay diyaar u yihiin in gurmad laga galo arrimaha dhacaya.”Waxa ay daraasadani ay hoosta ka xariiqday xaqiiqada ah in inta badan caruurta wakhti yar lala qaato in qoysaskooda ay dhaxal siin karto xidhiidh kala fogaansho ah oo aan hore  loo arag. Inta badan dadkii jawaabaha ka bixiyey ayaa si kooban uga qaybqaatay inay wax dhibaato ahi ay dhex marto waalidiintooda. Inkastoo dhibaatooyinka wada xidhiidhka, dareenka aan ku filayn iyo in meesha ay ka maqantahay taageeradii waalidku ay cadaysay sababaha raadka ku leh habdhaqanada aan wanaagsanayn ee caruurtu ku kacaan.