Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3296

May 22 2013                                                                                 Rajab  12,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Real Madrid Oo Dooneysa Inay Ku Biirto Tartanka Loogu Jiro Lewandowski Iyo Isco

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo Roberto Lewandowski iyo Isco xagaagan, inkastoo ay u muuqdaan inay ku sii jeedaan meelo kale.

Warar dhawaan soo baxayay ayaa sheegayay in xiddiga Malaga Isco inuu heshiis hordhac ah kula jiro Manchester City kuwaasoo diyaar la ah inay bixiyaan 35ta milyan euro ee lagu burburin karo qandaraaskiisa, halka Lewandowski isna lagu tiranayo inuu xagaagan ka tagayo Borussia Dortmund isna la filayo inuu dhaqaaqo Bayern Munich. Si kastaba, Caderna SER ayaa ku warameysa in labada nin ay haatan diirada u saaran yihiin madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez kaasoo doonaya inuu xoojiyo kooxdiisa xagaagan ka dib markii Madrid ay ku guuldareysatay inay koob qaado xilli ciyaareedkan islamarkaana la shaaciyay in Jose Mourinho uu kooxda ka tagayo.

Waxaa lagu soo waramayaa in Perez uu isku diyaarinayo in Luka Modric uu qeyb ka dhigo heshiis uu Isco ku doonayo Isco, halka uu sidoo kale la kulmay dhigiisa Dortmund Reinhard Rauball isbuucii hore isagoo kala hadlay xiisihii Lewandowski.